HomeXukuumada iyo Ganacsatada Oo Soo Gunaanaday Wadahadaladii u Dhaxeeyay

Xukuumada iyo Ganacsatada Oo Soo Gunaanaday Wadahadaladii u Dhaxeeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Kullamadii is-daba jooga ahaa ee u dhexeeyey Ganacsatada Dalka, Maamulka Dekedda Berbera iyo Xukuumadda ayaa shalay galabtii 19.01.2016 markii saddexaad lagu soo gabo-gabeeyey Xarunta Madaxtooyada. Kulankaas oo ay isugu yimadeen Masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga oo uu hor kacayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL, Mareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Ganacsiga & Maalgashiga. 

Kullamadaa is-daba jooga ahaa ayey ujeedadoodu ahayd xal-u-helidda cabashooyin ay qabeen ganacsatada dalka ee Dekedda Berbera wax kala soo degta, kuwaasoo todobaadadii u dambeeyey cabasho ka muujiyey khidmad adeeg ah oo ay Dekeddu ku kordhisay alaabooyinka ay ganacsatadu ka soo waaridaan dalka dibediisa. 

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ugu dambayntii ku soo gabo-gaboobay is-afgarad iyo is-fahan ku dhisan in meel looga soo wada jeesto horumarinta danaha Qaranka iyo dhiirigalinta ganacsatada dalka . Dhinaca kale, Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah Eng. Cali Cumar (Xoor-xoor) ayaa ballan qaaday in kor loo qaadi doono hufnaanta iyo habsami socodka hawlaha ay Dekaddu u qabato Ganacsatada, isagoo hoosta ka xarriiqay in Dekeddu qalab ahaan iyo adeeg ahaanba ay tayeyn doonto korna u qaadi doonto adeegyada ay bixiso oo ay ganacsatadu saluug ka muujiyeen. 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mud Maxamed Shugri oo door wayn ka qaatay xal u helida iyo isu soo dhawaynta dhinacyada ganacsatada iyo dekeda ayaa xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in ganacsatada dalka la kobciyo isla markaana laga dhawro culays walba oo cidhiidhi galin kara tartanka ay kula jiraan ganacsatada mandiqada.  

Ganacsatada ayaa iyaguna dhankooda waxay bogaadiyeen hannaanka 

wanaagsan ee kulammadan loo soo aloosay iyo guusha iyo is-afgaradka ay ku dhammaadeen. Sidoo kale ganacsatadu waxay hoosta ka xariqeen in kor loo qaado dhinacyo ay tabashada ka qabeen.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay ganacsatadu u leeyihiin Qaranka iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka waxaanu xusay in aanay marnaba ka Xukuumad ahaan la rabin in uu ganacsatada fuulo culays ku keeni kara in lagaga adkaado sayladaha ganacsiga. 

Wasiirka ayaa cadeeyey in guud ahaanba Dekkaddu madax baanaan tahay balse khidmadan la kordhiyey aanu Maareeye Cali Xoor-xoor kelidii soo allifin ee ay tahay arrin uu Madaxweynaha kala tashaday, Madaxweynuhuna ka ogolaaday, isla markaana korodhka Tacriifadu ay ku cadahay Miisaaniyada Sannadka 2016 ee Golaha Wakiilladu ay ansixiyeen waxaansu sidoo kale cadeeyey in wax walba oo kasoo xarooda aanay noqonayn wax jeeb kale ku dhaca balse si toos ah loo galin doono isla Dekeda. 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa dhanka kale xusay sida ay Xukuumadda uga go’an tahay kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha oo halkii ay awal Dekkadu Xukuumadda deeq siin jirtay, in maanta sida ku cad Mashaariicda Horumarinta ee ku jira Miisaaniyada Qaranka in Xukuumaddu ay Dekkada dib u siin doonto kab iyo taageero dhaqaale, maadama Dekedda la balaadhinayo laguna kordhinayo terminaal cusub oo wax weyn ka tari doona tayada adeegyada ay Dekeddu bixiso.

Isku soo wada duuboo, kulankan ayaa ku dhamaaday Is-afgarad iyo Guddoon loo dhan yahay kaasoo salka ku haya tudhaalaha danta iyo maslaxadaha Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories