HomeXukuumada & Hay’adda ILO Oo Iska Kaashaday Sahamin Ku Saabsan Xaaladda Shaqo...

Xukuumada & Hay’adda ILO Oo Iska Kaashaday Sahamin Ku Saabsan Xaaladda Shaqo Ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa(SLpost)-Sahamin lagu sameeyey tirada dadka gaadhay xiliga shaqada ee Somaliland iyo xaalada shaqo ee dalka ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa, taas oo ay iska kaashadeen Dawlada Somaliland iyo Ururka Shaqaalaha Caalamka ee ILO oo dhinaca farsamada ka taageeraysay.

Xogta Sahamintan ayaa laga sameeyey degmooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco ayaa daaha ka fayday inay yihiin magaalooyin ay dhalinyaradu ku badan tahay iyo dadka ku tiirsan qofka shaqeeya taas oo shaaca ka qaaday in Boqolkii qofka ay ku tiirsane yihiin 52 qof, taas oo macnaheedu tahay in labadii qof ee shaqaynayaba hal qof uu ku tiirsan yahay. Sida lagu sheegay Xogta Sahaminta goboladaasi laga sameeyey oo shalay lagu soo bandhigay munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor, taas oo ay ka soo qaybgaleen xafladaasi Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, masuuliyiinta Hay’adda ILO, xubno ka kala socday hay’adaha wadaniga jaamacadaha, wasaaradaha iyo martisharaf kala duwan. Masuuliyiinta Hay’adda ILO ayaa si qoto dheer uga waramay marxaladihii ay soo martay daraasadani iyo ujeeddada loo sameeyey, kuwaasoo sheegay in daraasadani xukuumad ka caawin doonto sidii ay xog uga heli lahayd xaaladaha shaqo ee dalka ka jira.

ggg

Mr. Cabdixamiid Maxmed Cumar oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda ILO oo warbaahinta faahfaahin ka siiyey daraasadan, ayaa waxa uu yidhi; “Xogtan waxaannu ugu talogalnay in aannu xukuumadda ka caawino sidii xog sax ah looga heli lahaa arrimaha shaqooyinka iyo xaaladaha dhabta ah ee la xidhiidha dhinacyada shaqada. Waxaannu xog-ururintan ka bilownay Gobolada Togdheer, Maroodijeex, Boorama iyo dhammaan deegaanadd hoos yimaad, nasiib-wanaag maanu helin in aannu dalka oo dhan wada gaadhno, laakiin waxaannu tusaale u qaadanay saddex gobol oo kala ah Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer. Waxaanna daraasadan la sameeyey sannadkii 2012, iyadoo ay ka qaybqaateen khubaro aqoon u leh, waxaanna ka soo baxday in shaqo la’aan baahsani jirto, isla markaana inta shaqaysaa aanay haysan shaqo joogto ah, waxaa kale oo daraasadan ka soo baxday in dadka shaqeeyaa ay u badan yihiin lacag yoomiye ah oo maalintii la siiyo.”

Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir oo iyaduna ka hadashay kulanka lagu soo bandhigay daraasada laga sameeyey xaalada shaqo ee Somaliland, waxay tidhi; “Waxaynu ognahay in maanta dalkeenna shaqo la’aan baahsani ka jirto. Sidoo kale goobaha aynu ku shaqaynaana ayna inoo habaysnay. Kulankan daraasadda lagu soo badhigayaa waxa ay ka mid yihiin xogaha dhabta ah ee aynu ka duuli doono marka laga hadlayo arrimaha shaqada, waxaananu uga mahadcelinayna hay’adda ILO, waxa daraasadan iska kaashaday Wasaaradda Qorshaynta, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO oo aannu si weyn ugu mahad celinayno.”

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories