HomeXukuumada, Bahda Garsoorka & Ururada Bulshada oo Kulan  ka Yeeshay sidii Bulshadu...

Xukuumada, Bahda Garsoorka & Ururada Bulshada oo Kulan  ka Yeeshay sidii Bulshadu u Heli Lahayd   Adeega Caddaaladda.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Had iyo jeer waxaanu difaacnaa xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda. Waxay aasaas u yihiin Nabadda, Xasilloonida, Horumarinta iyo Aqoonsiga..” Prof Adan X Cali-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda Prof Adan Xaaji Cali ayaa caddeeyey inay marwalba difaacaan Xuquuqa Aadanaha iyo Xoriyaadka, oo lafdhabar u ah Nabadda, xasilloonida, Horumarka iyo Aqoonsiga.

garsoorka (2)Prof. Adan X Cali oo magaalada Hargeysa maanta ka furay kulan sare loogu qaadayo helitaanka Adeegyada Caddaaladdeed ee Somaliland oo saddex maalmood socon doona, wadajir-na u soo qabanqaabiyeen Maxkamadda Sare & Xarunta Xaquuqul-insaanka ee Somaliland ayey ka soo qeybgaleen Wasiirka Caddaaladda Md. Cabdiqani, Xeer-ilaaliye-xigeenka Somaliland iyo xubno ka socday Bahda Caddaaladda, Ururada Bulshada Maxaliga iyo Kuwa Caalamiga ee dalka jooga.

Kulankan iyo ujeedooyinka loo soo qabanqaabiyey oo Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal-insaanka Somaliland (HRCSomaliland) Mr. Guuleed Axmed Jaamac (Dalfac) ka hadlay ayuu sheegay in kulankani ka dhashay wada xaajoodyo lagu horumarinayo hanaanka caddaaladda Somaliland, waxaanu yidhi,

“Arrinkani waxuu ka dhashay kulamo Ururada Maxaligu kala yeesheen bulshada Somaliland dhinacyada ay ka xiisaynayaan  Yoolalka Horumar-waara (Sustainable Development Goals) ee aduunku sameeyey, natiijooyinkii ka soo baxay noqday helitaanka Caddaalada, taasoo muujisay in bulshadu fahmeen xidhiidhka ka dhexeeya helitaanka caddaalada iyo horumar-waara. Taasina waxay muujinaysaa yididiilo badan oo muujinaysa heerka dareenka shacabku gaadhsiisan yahay.

Mr. Guuleed oo ka hadlayey muhiimada kulanka iyo dhinacyada ka soo qeybgalay ayuu sheegay inay saadaalinayaan in talooyin wax-ku-ool ah ka soo baxaan, waxaanu yidhi,

“Kulankan dad kala duwan ayaa ka soo qeybgalay, waa Bulshada rayidka ah, Jaamacadihii, xubno Gobolada dalka ka yimi, Garsoorkii, Xukuumada, iyo ururada caalamiga ee innaga taageerad dhinaca caddaaladda, waana muhiim inaynu wada ogaano in helitaanka caddaaladdu, keliya ku koobnayn u-garsoorida laba qof, balse  fure u yahay in dalku helo horumar, maalgashi shisheeye iyo wax badan oo faa’iido  ah.

Ms. Katherine Robinson oo safaarada Ingiriiska ee Kenya ka socotay oo weedho kooban ka jeedisay kulanka ayaa amaantay muhiimadiisa, waxaanay tidhi,

“Taageerada Ingiriiska ee horumarinta caddaaladdu muhiimadeeda koowaad waa in in sare loo qaado sidii bulshada Somaliland dhamaantood u heli lahaayeen adeega caddaaladda.”

Mr Xuseen Belel, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in helitaanka caddaaladda shardi u tahay ku dhaqanka shuruucda, waxaanu yidhi,

“Helitaanka caddaaladda waxa shardi u ah ku-dhaqanka shuruucda, taasoo wax walboo kale soo hoosgelayaan.

Gudoomiyaha daladda SONSAF Mr. Anwar Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka baddi bulshadu la kulanto ka mid yihiin khilaafyada dhulka, waxaanu yidhi,

garsoorka (1)“Dhibaatooyinka bulshadu la kulmaan waxa ugu badan khilaafaafka dhulka, taasoo natiijadeedu ku dambayso haddba in ka jeebka roon ku guulaysto kiiskii maxkamada, iyadoo laaluush ama farsamooyin kale adeegsanaya, halkaana qofkii jilicsanaa, caddaaladii ku waayo, dulmina ka dhasho. Waxaan qabaa in tayeynta garsoorka iyo qareenadu qeyb libaax ka tahay in helitaankii caddaaladda lagu dhowaado.

Wasiirka Caddaaladda Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo hadal ka jeediyey kulankii maanta ayaa amaanay kulankan lagu tayaynayo, isla markaana sheegay in ku dhaqanka shuruucdu muhiimada koowaad u tahay, waxaanu yidhi,

“Isku xukunka sharcigu waa inuu marwalba sarreeyo, oo loogu dhaqmo siduu yahay.”

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSL ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda Prof Adan Xaaji Cali  oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha inay ka soo saaraan talooyin waxtar u noqda bulshada, waxaanu yidhi,

“Laf-dhabata helitaanka Caddaaladdu, difaaciisa, ama xuquuqahoo la difaaco waxay taalaa garsoorayaasha gacmahooda, waxa kaloo kaalin muhiim ah ka ciyaara Wasaarada caddaaladda oo door ilaalineed ku leh. Dadka xabsiyada ku jira ma helaan hab-dhaqan fiican, xuquuqahii ay u baahnaayeen, hadday salad tukanayaan, sida fiican ee loola dhaqmayo, dushana kala socoto.

Prof Adan X Cali ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaacida Xuquuqal-insaanka iyo Xoriyadda, waxaanu yidhi,

“Had iyo jeer waxaanu difaacnaa xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda. Waxay aasaas u yihiin Nabadda, Xasilloonida, Horumarinta iyo Aqoonsiga. Waxaan u samaynay ururrada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka ah saaxad ay ku hawlgalaan. Shaqadayadu waa difaacida xuquuqda aadanaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories