Home“Xukunka Askarigu Ma Fiicna Oo Laba Nin Baynnu Ka Soo Aragnay……” Mujaahid...

“Xukunka Askarigu Ma Fiicna Oo Laba Nin Baynnu Ka Soo Aragnay……” Mujaahid Cali Gurey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Mujaahid Cali Gurey oo qaar ka mid ah warbaahinta  kula hadley  magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka Hadley loolanka ka dhex aloosan xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in xisbiga kulmiye loolankiisu uu sameyn ku leeyahay dalka  iyo qaranka oo dhan isaga oo sabab uga dhigey in xukunkii dalkan uu gacanta ku hayo.

 

Waxaa kale oo uu  sheegay in dalka oo dhami uu u garbo duuban yahay Kulmiye isla markaana ay haboon tahay in kulmiye dalka laga fardaamiyo waxaana uu yidhi “Labadan sanno ee la kordhiyey ee waliba qasabka aheyd  may aheyn muddo kordhin farsamo balse waxaa ay ahayd mid siyaasadeed, siyaasada ka danbeysana waxaa ay aheyd in kulmiye la siiyo wakhti uu ku soo helo musharaxiisa isla markaana kala jabka kaga yimada uu ka soo kabto. Waddanka oo dhami waa uu afduuban yahay oo waa Kulmiye cidii doontaba ha ka soo baxdee waan ta na galineysa in aannu ka hadlo arrinta xisbiga Kulmiye oo aan aheyn xisbigayagii” ayuu yidhi mujaahid Cali Gurey .

 

Sidoo kale Mujaahid Cali Gurey oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadley fikirkiisa goonida ah ee  ah cida xukunka dalku uu ku haboon yahay ayna tahay in hoogaanka dalka majaraha u qabato waxaana uu yidhi “ Aniga oo jabhada ah oo ay dagaalkaba haystaan waxaan ahaa  qoladii mutacalimiinta ahaa ee ay hangoolka labada farraar ahaa iskaga hayeen kornaylo  diid ayey ii bixiyeen shaqsiyan  ma jecli xukunka askariga ah, askarigu waa amar  waayo aragtida  aynu u leenahay xukun askarina ma fiicna oo laba nin beynu soo  aragnay waa Siyaad Barre iyo Cabdilaahi Yuusuf .

Muuse Biixi askari nimo kuma tartaamayo ee waa tariikhdiisa laakiin kolay anigu shaqsiyan ma jecli dunida saddexad in nin askri ahi xukumo waayo dalkaba cidi ka fur furi meyso “ ayuu  hadalkiisa ku soo koobay  halkiisii Mujaahid Cali Gurey.

 

Mujaahid Cali Gurey ayaa u muuqata in uu weerarayo Muuse Biixi oo ay labadooduba isku jabhaddii SNM ka soo wada dagaalameen. Sababta rasmiga ah ee uu Muuse u weerarayo iyo cidda kale ee uu la safan yahay ayaannu si toos ah u caddayn Cali Gurey, walaw uu sheegay in aannay ka ahayn Muuse nacayb ee ay taariikhiida Muuse askarinimo tahay.

 

Somalilandpost Office, 2015

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories