Home“Xukumaddani iyada ayaa isu qoday oo isku ridday bohol daran oo liidata”...

“Xukumaddani iyada ayaa isu qoday oo isku ridday bohol daran oo liidata” – Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.” – Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii Xaqsoor ee ku hadhay tartankii doorashada goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay dabayaaqadii 2012-kii, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay ku tumatay horumayatul-qawlka iyo madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

Xasan Ciise Jaaamac 2014Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxa uu ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay iyadu isu-diyaarisay Bohoshii lagu ridi lahaa, maadamaa oo dulmi ku hayso saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, waxaanu sheegay in aanay ugu horeyn dawlad Afrikan ah oo caga-jugleynta shacabkeeda iyo xorriyatul-qawlka kala kulanta cawaaqib xumo u horseedda inay ku dhacdo god-madow.

Mujaahid Xasan waxa uu xukuumadda ugu baaqay in aanay qaladkeeda ku adkaysan balse ay saxdo isla markaana ay xoriyaddooda iyo madax-bannaanidooda u soo celiso Xarumaha War-baahineed ee iyada u xidhan ee ay ka mid yihiin Wargeyska Haatuf iyo Hubaal.

Sidaas, waxa uu Mujaahidku ku sheegay war-saxaafadeed uu Caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo dhammeystiran u qornaa sidan:

“Nin wasiir ah ayaa laga soo sheegay in dulmiga ay xukumadani ka gashay Haatuf iyo Hubaal uu dulmiga ay xukumadani ku hayso saxaafada guud ahaan ka dib dulmigii aan xadka lahayn ee cadaanka ahaa ee doorashooyinkii ugu dambeeyay, xukumadani iyada ayaa isu qoday oo isku riday bohol daran oo liidata. In badan ayaynu u soo taagnayn dawlad Afrikaan ah oo dariiqa toosan in tay ka leexato qardajeex dhiidhi iyo dhoobo ay ku dhex bakhtido.

Dhawr arimood ayaa jira oo aduunku maanta fiira gaara u leeyahay. Waxa ka mida arimaha saxaafada,arimaha haweenka,arimaha dadka laga tirade badan yahay iyo arimo dhaqan. Kuwa dambe aduunka waa lagala doodi karaa qaababkooda iyo qorshahooda. Laakiin arimaha saxaafada aduunka waxa uga yaal nidaam mudo dheer la soo tijaabiyay oo cid kasta faa’iidoo u ah.

Sababta oo ah xoriyada saxaafadu waxa ay ka kaw tahay xoriyatul qawlka oo iyaduna kaw ka ah xoriyada iyo xurmada aasaasiga ah ee bilaw aadmiga oo dhan. Laba arimood oo aasaasi ah ayaa seegay xukumaduna, markii ay xidhay wargeesyadii Haatuf iyo Hubaal.

Kaw, waxa seegtay inay xukumadu baadhitaan madaxbanaan oo shicibku ku kalsoonaan karo ku sameyso eedeymihii ay wargeesyadu u soo jeediyeen. Baadhitaankaasi hadii uu u markhaati furo wargeesyada, wargeesyadu abaalgud ayay leeyihiin. Hadii se baadhitaankaas madaxabanaani uu cadeeyo inaanay wargeesyadu qorin eedeymo sax ah, ama aanay ku qaldamin arinta ayaga oo ka daacad ah . waxay ahayd in markaas arintooda loo maro xeerka, saxaafada ooy ku muteysan karaan ganaax mudaysan,” Ayuu Mujaahid Xasan ku yidhi War-saxaafadeedka uu caawa ka soo saaray Hargeysa.

Imika iyo haatan, xukumada waxa waajib ku ah inaanay qaladkeeda ku adkaysan ee ay sida ugu dhakhsaha badan u soo deyso madaxa Haatuf ee dulmiga ku xidhan iyo inay xayiraada ka qaado labada wargees ee Haatuf iyo Hubaal.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories