HomeXukumadda Somaliland oo Muddeysay Xilliga ay Fulinayso Xukunnada Dilka ah

Xukumadda Somaliland oo Muddeysay Xilliga ay Fulinayso Xukunnada Dilka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa soo bandhigtay Qorsheyaal lagu xakamaynayo dilalka dalka ka dhaca, islamarkaana culays lagu saarayo dadka gaysta, iyada dib boodhka looga tumayo isla markaana la taagayo tiirarkii lagu fulin jiray xukunnada dilka ah ee maxkamadaha ka soo baxa.

Wasiir ku xigeenka Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Cilmi oo shalay ka hadlayey kulan wasaaraddu soo qaban-qaabisay oo ay ka qayb-galeen Cuqaasha, waxa uu sheegay in in sida ugu dhakhsaha badan loo fulinayo Xukunnadda dilka ee ka soo baxay Maxkamadaha dalka.

cali“Waxaan idiin sheegayaa in Dhamaan cid kasta oo Qarankan wax ka dishay lagu fulin doono dilkii, Tiirarkii toogashadana aanu dhisi doono Berri. Ninka immika wax dila waxaa la yidhaa kuwii horeba waa la toogan waayaye, Berri baa la bilaabayaa. Tiirarkii SIINAY ka taagnaan jiray ee dadka lagu toogan jirayna waanu Qodaynaa,” ayuu yidhi wasiir-ku-xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Waxa kale oo aan idiin sheegaynaa cid xoog cid kale wax kaga haysan kartaa ma jirayso, hadday dhul tahay,hadday guri tahay iyo hadday wax kale tahay taasina ma dhacayso, waana dib u habaynta Cusub ee Wasaaradda Daakhiliga iyo Hay’adaha Boolisku isla qaateen ee taasna ku bushaaraysta hadday gobol tahay iyo hadday Caasimadda tahayba,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland.

Waxa kale oo uu Wasiirku Cuqaasha kala hadlay xakamaynta falalka ammaan-darrada ah ee dhalinyaradu ka geysato caasimadda, waxaanu yidhi, “Iyada oo hawlgalkiina socdo, laga bilaabo sanadkan cusub Liiska Ilmaha yar ee aanu hayno, ama magaalada ha joogo ama ha ka maqnaadee, goor aanu qabanaba, waanu qabanaynaa.waanu haynaa tiro koobkoodii daanta uu doonaba ha joogee.”

Wasiirku waxa uu Cuqaasha u soo jeediyey inaan wax mag ah ama diyo ah lala wadaagin qoyska uu ka dhashay cidda waxyeello ama dil u geysata qof kale, “Cuqaasha waxaan leeyahay Inanka yar ee Cid dila ama dhib gaysta waa inaan lala bixin oo sidii Inoo caaddada ahayd aan Qoyskooda lala qaybsan Qoonta ama Magta ee dhibaatadu Qoyskooda ku koobnaato,” ayuu yidhi Wasiir Cali Cilmi.

Wasiir xigeenka Amnigu waxa uu farriin u diray Bulshada Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan farriin uga dirayaa Bulshada Somaliland oon leeyahay Way soo jeedaan Hay’addaha amaanka oo wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidamadu ugu horeeyaan, waxay indho dheer ku eegayaan cidkasta oo nabad galyada khalkhalinaysa,mana u dulqaadan doono, haddii ay Inan yar tahay iyo hadday Cadaw shisheeye tahayba.waxaanu leenahay Ninkii hadhaw qoomamayn doonow ilmahaaga hayso, addigaana ku xigi oo Boolisku ku xidhi,magna ma leh Cid kasta oo Nabadgalyada waxyeelaysay oo Boolisku dilo.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories