HomeXukumadda Somaliland oo Dacwad Ka Gudbinaysa Wakiilka Midowga Yurub oo faro-gelin siyaasadeed...

Xukumadda Somaliland oo Dacwad Ka Gudbinaysa Wakiilka Midowga Yurub oo faro-gelin siyaasadeed lagu eedeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso xarunta guud ee Midowga Yurub ee ku taala magaalada Brussels ee wadanka Biljamka, taas oo ka dhan ah safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya danjire Michele VervoneDurso.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadu ku cadaysay gudbinta dacwadan, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xukuumaddu go’aamisay in dacwad ka dhan ah diblomaasigan dhallinyarada ah loo gudbiyo xarunta guud ee Midowga Yurub. Warku wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku eedaysay ergaygan oo ay dhalashadiisu tahay Talyaani inuu farogelin ku sameeyay siyaasadda gudaha ee Somaliland islamarkaana uu xasarad ka dhex abuurayo gudaha wadanka Somaliland, ka dib safarkii uu dhawaan ku yimid Hargeysa ee uu sida kedis ah kula kulmay muddo kordhintii ay golaha guurtidu sameeyeen.

ergaygaWarku wuxuu sheegay in qodobada kale ee ay xukuumadu cuskanayso uu ka mid yahay hadal la sheegay in safiirku ku yidhi xisbiga UCID oo ah sababta ay xisbiga Waddani ugala qayb qaadan waayeen mudaharaadkii uu ku diiday muddo kordhinta golaha guurtida. Qodobkadan ayaa la sheegay inay xukuumadda Somaliland ka dhigatay udub dhexaadka dacwadda ay ka gudbinayso safiirka. Mar uu Geeska Afrika isku dayay inuu xisbiga UCID wax ka weydiiyo jiritaanka hadalkan ayaanay noo suurtogelin.

Warku wuxuu intaas ku daray inay xukuumadda Somaliland ka dalbanayso Midowga Yurub in laga bedelo danjirahan mar haddii sida ay ku doodayso uu dhex galay siyaasadda gudaha Somaliland. Laakiin waxaan la hubin sida uu Midowga Yurub uga jawaabi doono doodda xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa si adag isugu maandhaafay muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo uu si adag uga horyimid, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday inuu laalo muddo kordhinta golaha guurtida, taas oo uu Madaxweynuhuna ku gacan saydhay. Waxaana muuqata inuu bilaabmay dagaal diblomaasiyadeed oo ay wadamada Midowga Yurub iyo Maraykanku ku soo jiheeyeen Somaliland ka dib muddo kordhintaas golaha guurtida.

Xigasho: Wargeyska Geeska Africa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories