HomeXuddun iyo Mandheer

Xuddun iyo Mandheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Qolkii maydhashada ee gurigayga ayaan is dhex taagay, waanaan qubaystay.  Intii aan jidhkayga biyaha tuwaalka kaga tirtirayay ayaan isku eegay muraayad weyn oo qolka ku dhex tiillay.  Waxana indhahayga si gaar ah u soo jiitay xuddunta ku kala badhan bogcalooleedkayga.  Waxayna indhahayga u soo jiidatay si ka duwan sidii ay hore iigu muuqan jirtay.  Ugu horrayn waxa yaab i  geliyay falsuubbanaanta uu Eebbe (sarree oo korreeye) ku kala badhay caloolsha; waxana aan is-weyddiiyay, bal haddii ay meesha ka maqnaan lahayd, miyaanay meeshaas ka muuqateen  dhinnaansho, foolxumo iyo kala-dhantaalnaan?   Waxa kale oo maankayga ku soo dhacay in raadkaasi yahay mid ka goonni ah jidhka intiisa kale, maxaa yeelay, ma jiro qayb ama xubin kale oo jidhka aadamaha ka mid ah oo sideeda oo kale adeegsigeedu mar qudha uun yahay.  Xudduntu se isla kolkii qofka ay ku taallay madaxa  ifka ula soo baxay ayuu waxtarkeedi soo gebageboobay!

 

 

Mar labaad baan jalleecay xudduntii, waxana iiga muuqday wax ka badan astaan dhalasho;  waxana  ay tilmaan u tahay dhibtii ay hooyo ila soo martay – laga soo bilaabo wallaceedii, sidkii ay sagaal bilood uurka igu sidday, dhiiggii hodonka ku ahaa hawadii ogsajiinta iyo nafaqadii aan la wadaagi jiray.  Si kale haddii loo dhigo, waxba kama aanan duwanayn deris-ku-noole nuugaya jidhkeedii.  Waxa ay mararka qaarkood  cuskan jirtay udubdhexaadka aqalkayagii,  tamardarro awgeed iyo iyada oo ka baqo qabtay in ay diiddo, dhulkana ka soo go’do.   Haddaba iyada oo aan  jidhkeeda iyo nafteeda waxaas oo howl iyo culays ah ku hayay ayaanan haddana ka daynin gujooyin hoose oo ay mararka qaar hurdada ledi weydo.

 

 

Eedaadkii foosha iyo taaheedii ayay mararka qaarkood nafteedu hoos ugu sheegi jirtay in aanay dib ugu noqonin ilmoqaadis kale.  Ha yeeshee, sunnaha nolosha ayaa sidaas ah, oo haddii aanu jirin rabitaankaasi, aadamuhuba waa tafiirgo’i lahaa.

 

 

Haa, aniga iyo hooyaday isku mid baannu ahayn, se xidhiidhkaasi jidheed waxa uu kala go’ay isla markii ay ummulisadi, oo gacmaheedii farsmoyaqaanka ahaa (oo ay weliba taageero ka helaysay dihashadeedii ay seedaha ilmagaleenkeeda kusoo ururinaysay) ku guulaysatay in ay madaxaygii ifka soo dhigto.  Isla markiiba cimiladii ifka ee igu cusbayd ee martay madaxaygii iyo dhabannadaydii dhaylada ahaa, ee laga soo “barokiciyay” qolkii yaraa ee diirranaanta iyo raaxada badnaa ayaa dhaliyay in aan ku fal celiyo warraaq aan afka kala qaado, markiibana aan kabbado hawo ka baxsan tii aan mandheerta ka nuugi jiray.   Waxa se uu ahaa, goor kastana noqon doonaa, kala go’ iyo kala qaarnaan door (ahmiyad) u leh nolosha iyo taranta aadamaha.  Waana, sida uu u dhigay Niitjee (Nietzsche), faylasuufkii Jarmalka ahaa ee noolaa qarnigii 19aad,  in xilliga dhalashada oo keliya uu ilmuhu ahaanshiiyo qofeed oo gaar ah yeelanayaa, inta se isaga iyo hooyadii ay xudduntu isugu taallo, yaa odhon kara waa laba naflay oo midba ka kale ka madax bannaan yahay?   Tusaalaha Niitjee waxa u markhaati kacaya gabayaagii Soomaaliyeed ee Cige Aw Cali oo tix uu lahaa ay ku jirtay“….Markii xigay caweys baan dhashoo, Cige la ii bixiyay..!

 

 

Markii aan dhashay, xudduntiina sideeda u go’day, ma ay tuurin hooyo hilibkii yaraa ee qallalnaa, waxa ay se ku xidhay qoriweger, iyada oo sida dumarka Soomaaliyeed rumaysnayd awoodaha dahsoon ee qoriwegerka.  Xilli kale markii uu kasoo wareegayna waxa ay hilibkii yaraa ee tawafsanaa ku xidhay sabeen, waana meesha ay ka timid waxa loo yaqaanno “Xuddunxidhka”.  Xirribta (xigmadda) ka dambaysa xuddunxidhku waxa weeye in ilmaha yari (dheddig iyo labba) lagu dareen geliyo in uu reerka wax ku leeyahay.  Maxaa yeelay, isaguba xilli aan sidaas u sii dheeraan doonin ayaa la ciidansan doonaa,  waxana uu ka qayb qaadan doonaa howlaha kala duwan ee reerka oo ay ugu mudan tahay, uguna horrayso raacidda maqasha.

 

 

Beryahan dambe, dhulalka reer Galbeedka (Yurub iyo Waqooyiga Ameerika), waxa soo baxay habdhaqan la-yaab leh oo la yidhaahdo “Lotus Birth” oo ah in aan la goynin garka mandheerta, kaddib ilmuhu marka uu ifka u soo baxo  ku sii xidhiidhsanaado mandheerta, jeeroo laga gaadhayo dhowr cisho, inta ay  iskeed mandheertu uga fuqayso.  Dadka sidaas yeelaa waxa ay uga jeedaan in la sugo (hubiyo) in ilmaha yari helo nafaqo dheeraad ah, isla markaana kala-xidhiidh furanka hooyada iyo ilmaheeduna  noqdo mid ay ku dheehan tahay degganaan, marka la barbar dhigo habdhaqanka qallafsan ee foosha iyo jarista degdegga ah ee garka mandheerta.  Mandheerta ilmaha ku xidhiidhsan ee sidan oo kale loo hayo, waxa la dhex dhigaa weel ay ku jiraan biyo milix leh oo la carfiyay, ama maro ayaa lagu duubaa, inta ay iskeed uga xidhiidh furmanayso ilmaha 3 ilaa 7 maalmood!

 

 

Xayawaanka dhexdooda, daayeerka jaadkiisu yahay Shimbaanze ee ku nool dhulka duudda ah (keymaleyda) Afrika, ayaa keli ah midka lagu yaqaanno dhalmada jaadkan oo kale.  Xayawaannada kale, badankoodu, marka ay dhalaan, garka ama xadhigga mandheerta waa ay qaniinaan si ay u gooyaan, ka dibna mandheerta ayay cunaan, si aan habar dugaaggu u soo urinin, kaddiba dhasha uga cunin.

 

Sidan ay dumarka qaar kaga daydeen dhalmada jaadkan oo kale ah, waxa uu qofku is-weyddiin karaa, bal in aadamnimadi ay hoos ugu sii noqonayso noolihii ka hooseeyay! Iyada oo dhanka kalena, caddaanka wax takooraa, dadka diirka ama dubka madow, quudhsi awgii, iyo sida ay rumaysan yihiin, ku tilmaama “qaar jaranjaradii lagaga soo koray daayeerka, weli meel hoose ka soo fuushan”. Waxa kale oo dalalka qaar lagu arki karaa in dumarka qaar ay daneeyaan qurxinta  xubintaas jidheed ee howl gabtay, isla markaana ay ka laalaaadiyaan hilqado dahab ah, kuulo, ama waxyaabo kale.

 

Dhinaca kale, dadka riyooyinka ka warransiiya, waxa ay u arkaan in xuddunta  oo  qof ku arko riyadiisa lagu fasiran karo“soo noolaanshiiyaha xidhiidho hore, iyo isu hilowga dad kala baaday”.

 

Guntii iyo gebagebadii, laga bilaabo maalintaas aan fiirada gaarka ah u yeeshay xudduntayda, la-yaab ma laha in  dareen gaar ah oo kalgacal, kana badan intiisii hore, ii qabto hooyo, iyo  in aan abaalkeeda sinaba loo gudi karaynin.

 

 

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories