HomeXubno ka tirsanaa Kooxdii hoggaankeedu nabadda qaatay ee SSC oo maanta Si...

Xubno ka tirsanaa Kooxdii hoggaankeedu nabadda qaatay ee SSC oo maanta Si weyn loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa Kooxdii SSC ee hoggaankoodu baaqii nabadda Madaxweynaha Somaliland u hoggaansamay, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, ka dib markii laga soo galbiyey dhanka magaalada Burco oo si weyn loogu qaban-qaabiyey soo-dhawayntooda.

Saraakiisha kooxdii SSC ee maanta la soo dhaweeyey oo tiradoodu dhan tahay Shan ka mid hoggaankii u sarreeyey kooxdaas, ayaa waxa maanta magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Axmed Cali X. Cadami, Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, ayaa xubnaha nabadda qaatay ee kooxdii SSC ku soo dhaweeyey duleedka Bari ee Caasimadda.

Saraakiisha ka tirsanaa kooxdii SSC ayaa magacyadoodu kala yihiin, Mahad Nuur Weerar, Cabdi Cadde, Maxamuud Baydan (Dhagyar), Cirro Saleebaan Magan iyo Xuseen Maxamuud Baydan.

Waa markii saddexaad ee saraakiil sar-sare oo ka tirsan Kooxdii nabad-diidka ahayd ee SSC, ay qaataan go’aankii madaxweyne Siilaanyo oo xambaarsanaa baaqa iyo gogosha nabadeed ee uu u fidiyey Shacabka reer Buuhoodle.

Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Xagla-toosiye oo ahaa hoggaamiyihii kooxda SSC iyo Wasiirka Nabadeynta gobollada Bari Keyse Cabdi Yuusuf ka tirsanaa saraakiisha u sarreeya ee kooxdaa, ayaa labadooduba wakhtiyo kala duwan ka jawaabay Baaqii nabadeynta ee madaxweyne Siilaanyo, waxaana markii dambe lagu

Dhan kale, wasiir Nabadeynta gobollada Bari Keyse Cabdi Yuusuf, ayaa muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay deegaamo ka tirsan gobollada Buuhoodle iyo Sool, halkaas oo uu kulamo gaar-gaar ah oo dhinaca nabadeynta iyo wax wada qabsiga ah kula yeelanayey madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaamadaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories