HomeGarsoorka Gobolka Maroodijeex oo lagu tabobaray Doorka Shareecada Islaamka ee Maxkamadaha

Garsoorka Gobolka Maroodijeex oo lagu tabobaray Doorka Shareecada Islaamka ee Maxkamadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa Isniinta maanta tababar u soo xidhay 25 xubnood oo isugu jira Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka tirsan Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex.

Tabobarka oo shalay furmay, waxa duruus ku saabsan Doorka Garsoorka ee Dabbaqaadda Shareecada Islaamka ku qaadanayey Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka kala tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa iyo Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex.

blankTababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda UNDP, ayaa xeel-dheerayaashii bixinayay duruusta iyo xubnihii ka soo qayb galay tababarku ku lafa-gureen doorka ay Shareecada Islaamku siisay garsoorka, waxaanay kaga doodeen mawduucyo kala duwan oo taabanaya nidaamka ay Diintu u jidaysay garnaqa iyo miisaanka ay leedahay hubinta iyo u dhaba-galka cadaymaha la xidhiidha dacwadaha.

Cabdi Ibraahin Aadan oo ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex oo ku hadlayay afka ka soo qayb galayaasha ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideen tababarkan muddadii uu socday, waxaanu Maxkamadda Sare u soo jeediyay in la badiyo tababarada noocan oo kale ah.

Dr Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah xeel-dheerayaashii bixinayay tababarka ayaa isaguna geestiisa xusay in garsoorku ka mid yahay meelaha ay bulshooyinku ka horumaraan, waxaanu xubnihii ka soo qayb galay u hoga tusaaleeyay ahmiyada ay leedahay shaqada ay hayaan iyo sida ay ugu horumarin karaan qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa qaadaa dhigay faa’iidooyinka ay ka dhaxleen tababarka ee ku qotomay Shareecada gaar ahaan nidaamka gar-qaadista iyo sugida cadaymaha, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay ku dhaqmi doonaan duruusta ay qaateen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo tababarka soo xidhay, ayaa tibaaxay aqoonta ku duugneyd tababarka oo uu sheegay in dedaal badan la galiyay sidii loogu soo koobi lahaa laba cisho, maadaama muddo lix bilood ama sannad ah lagu qaato. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku baraarujiyay ahmiyada Shareecada Islaamka ay leedahay.

“Markaynu Garsoorka nahay ta aynu ku bad-baadaynaa waa Shareecada Islaamka, dacwad kasta ood qaadaysaan waa in Shareecada lala eego, waa ta aynu nafteena ku bad-baadinayayno, umaddana aynu ku bad-baadinayno, awlaadeena aynu ku bad-baadinayno, aakhiradeenana bad-baadinaysa,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaas ku daray in tababarro kale ee la xidhiidha Shareecada Islaamka oo ay codsadeen xubnihii ka soo qayb galay tababarku uu suurto-galintooda gaadhsiin doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories