HomeXubno ka tirsan Beeralayda Dalka oo Waxbarasho looga bilaabay Jaamacadda Camuud si...

Xubno ka tirsan Beeralayda Dalka oo Waxbarasho looga bilaabay Jaamacadda Camuud si ay u tabobaraan Beeralayda kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Afartan xubnood oo ka kala socda Beeralayda Dalka ayaa tabobar cilmiyeysan oo soconaya muddo saddex bilood ah looga bilaabay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, waxaanay xubnahani marka ay Waxbarashada Dhammaystaan ay tabobar siin doonaan Beeralayda kale ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) oo Xubnahan tabobarka u furay, waxa uu sheegay in tabobarkani yahay kii ugu ballaadhnaa ee ay u qabtaan beeralayda dalka isla markaana looga dan leeyahay in marka ay waxbarashada dhammeystaan ay duruusta u gudbiyaan beeralayda kale ee waddanka isla markaana ay qaadan doonaan culuum la xidhiidha habka wax loo beero.

Tabobarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO, waxaana fulinaysa Kulliyadda Beeraha iyo Deegaanka ee Jaamacadda Camuud.

Wasiirku wuxuu u mahad celiyay Ha’yadda FAO oo uu xusay inay wasaaradiisa ka taageerto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta aasaasiga ah ee beeralayda dalka.

Md. Faarax Geedoole wuxuu sheegay in haddii dedaal ay sameeyaan beeralayda dalku ay kor u qaadi karaan tacabkooda beeraha. Waxaanu u soo jeediyay inay ku dedaalaan khudaarta si looga maarmo khudaarta dalka uga timaadda dalalka dariska.

Sidoo kale waxa ka hadlay xafladii loo sameeyay furitaanka tababarkan Maayarka degmadda Garbo-dadar ee gobolka Awdal Cabdi Cabdilaahi Hindi oo ka waramay baahida loo qabo in xirfadda beeralayda kor loo qaado, waxaanu Wasaaradda Beeraha u soo jeediyay inaanay 40-kan xubnood marka ay dhamaystaan tababarka aan la sii dayn ee ay hawl-geliso wasaaraddu.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed ayaa isna sheegay in tababarkani uu yahay kii u horeeyay ee ay u qabtaan beeralayda waxaanu sheegay inay siin doonaan Manhaj dhamaystiran oo ku wajahan mihnadda beeraha.

Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha C/Laahi Ismaaciil Faarax iyo Hormuudka Kulliyadda beeraha iyo deegaanka Jaamacadda Camuud Prof. Abubakar Sh. Cabdi iyo Maxamed Saalax oo ka socday Ha’yadda FAO, waxaanay dhammaantood ka hadleen faa’iidada tababarkan. Waxaanay ka qeyb galeyaasha ku booriyeen inay ka faa’iidaystaan.

SLpost News

Somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories