HomeXubnihii Ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga Mucaaradka Ah Wadani Ee Gobolka Sanaag Oo...

Xubnihii Ugu Miisaanka Cuslaa Xisbiga Mucaaradka Ah Wadani Ee Gobolka Sanaag Oo Xafiis Cusub Furtay Sheegayna Inay Quus Ka Joogaan Xafiiskii Guud Ee Xisbigaas Baaqna Udiray Hogaanka Sare Ee Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa markii labaad ee baaq qaylo dhaan ahi kasoo yeedho xubnihii ugu miisaanka cuslaa xisbiga mucaaradka ah waddani ee gobolka sanaag

Waxana manaasibad balaadhan oo ay isugu yimaadeen badiba xubnihi ugu mug wayna ee xisbigaasi ayaa waxay si rasmi ah xadhiga uga jareen xafiis ugaar ah xisbigasi kadib markii xafiiskii guud ee xisbigu muddo 9 bilood ah albaabadu ulaabnaayeen waa sida ay hadalkooda udhigeen ee waxanay sheegen in hab maamulkii xibigaasi ee gobolka ee ay ge
bi ahaanba soo fod saartay bur bur iyo maamul xumi siloon oo dabarka goosatay.

Xubnahan masuuliyiinta ah ee  xadhiga ka jaray xafiiskan cusub ayaa hogaanka sare ee xisbigaasi ka dalbaday in lagula shaqeeyo xafiiskan ay furteen iyagoona shaaca ka qaaday inay heelan ugu jiraan sidii xisbigu ugu dhex muuqan lahaa dalka noqona lahaa xisbiga ugu taageerada badan waxanay intaasi ku ladheen inay xiligaan iyagu boodhka ka tumayaan xarunti xisbiga wadani ee ceerigaabo maadama oo bay dhehen hogaankii loo igmaday gabay

wadddanu (1)

Maxamed Guray Aadan ”Dhabarlow” Gudomiyaha gudida xisbiga waddani ee gobolka sanaag oo ka mid ah xubnihii u tartamay golaha deegaanka ee xisbigaasi ka tartamayay halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay ujeedada ay xafiiskan udaah furayaan oo uu sheegay inay quus ka joogaan xafiiskii guud ee xisbiga ayna ka fursan waayeen furashada meel ay isugu yimaadaan

Waxanu yidhi:- ”Waxanu jeclaysanay inaan furano xafiis xisbiga waddani ee heer gobol heer degmo iyo heer qaranba maadama oo xafiiski xisbigu sidii la rabay ushaqayn waayay waxanuna go’aansanay inaan boodhka ka tuno oo dib uyagleelo xisbiga xafiiski xisbigunu mudo 9 bilood ah ayuu naga xidhnaa sidii doorashadaba looga baxay markaa bahwayntii wadani ee gobolku waxay isla qaadatay inaan indhaha laga qarsan burburka iyo baaba ku soo fol leh xisbiga heer gobol saas darteed masuuliyiinta xisbigaas ee guud waxana ugu baaqaynaa in il gaar ah lagu soo eego loona soo gurmado si loo badbaadiyo xisbigii gobolka”

Afhayeenka xisbiga mucaaradka Ah ee Waddani Yaasiin Cali Dheere ayaa dhankiisa ka marag kacay sida loogu honguuboy ayna fadhiidka u noqdeen maamulkoodi  gobolka ee loo xilsaaray xisbigaasi oo uu isagu qayb ka yahay waxana uu sheegay inuu soo dhowaynayo xubnahan fir fircoon ee dhexdda u xidhay badbaadada xisbiga ee gobolka

Waxana Uu Yidhi:-

”Anoo ku hadlay afka maamulka hawshoodii gabay ee xisbiga waddani ee gobolka sanaag waxan soo dhoweynayaa xubnahan firfircoon ee xafiiskan caawa furay waxana runtii jirta oo aan idhaha laga qarsan karin in maamulkii xisbigaasi ee gobolka oo aan ka mid ahay uu si toos ah uga gaabiyay hawlihiisi shaqo ee gobolka uu uhayay taageerayaasha xisbiga wadani sidaas tarteed waxan bogaadinayaa xubnahan iyagu is aabaabulay ee dhexda uxidhay badbaada xisbiga waxanan leeyahay ha ka niyad jabina ee hawsha wada ee hoogaanka xisbigana waxan farayaa in xisbigii gobolka sidii aad moodsayaan iyo sida aad ku ogaydeenba aanu ahayn ee aad usoo gurmataan haddi rajo laga qabo”

Faysal Aadan Axmed oo kamid ah xildhibaanadi ka tartamay xisbiga wadani ayaa dhankiis sheegay in furashada xafiiskan ay ku kaliftay habacsanaan ta baahsan iyo tafaraaruqa soo food saaray xisbiga

Xildhibaan Caydiid oo ka tirsan golaha deegaanka degmada ceerigaabo iyo gudomiye ku xigeenka garabaka haweenka ee xisbigaasi Caasha Maxamed Hirsi ayaa dhankooda soo dhoweeyay furashada xafiiskani.

Hindisaar Xoogsade oo kamid ah golaha dhexe ee xisbigaasi oo iyaduna munaasibada xadhiga lagaga jarayay xafiiskaasi ka hadashay ayaa dhankeeda si cadho leh u iftiimsay in Xisbiga wadani sanaag ka maarmay balse ay iyagu ka maarmi waayeen waxanay sheegtay inay madaxda wadani u haystaan in taageeraada gobolka sanaag ee baxada leh uu hal shaqsi keenay.

Waxanay Tidhi, ”Haddi nimanka wadani usaareyaa u haystaan in taageerada baaxada leh ee xisbigu gobolka ka kasbaday hal shaqsi ukeenay waxan leeyahay muu keenin ee iska hubiya waxa keenay qofkastoo dhankiisa iska abaabulay oo uu dani ka haysay inuu ururku xisbi heer qaran soo gaadho markaa qolada guud ee xisbiga waxan usheegayaa inaan anaku xisbiga ka hadhi waynay ee ay iyagu sanaag ka hadheen oo wax saan lagala socdaa jirin hal shaqsina aad ku xidhan tihiin xisbiguna security buu leeyahay dad indha indheeya oo gaar ah hargeysina way leedahay lkn ceerigaabo ma leh”

Si kastaba ha ahaate waa markii labaad ee qaylo kasoo yeedho xubnaha ugu culusaa xisbiga wadani  ee gobolka sanaag dhowaan ayayn ahayd markii ay baaq udireen hogaanka xisbigaasi balse markale iyo qaylada kasoo yeedhay xubnahan iyo furashada xafiiskan iyo cabashada hogaanka ayaa umuuqta in hadaladoodi hore la tix gelin wayay Isku soo wada duubo haddiba hogaanka sare ee xisbigaasi mucaaradka ah ee waddani dhegaha ka furaysto wax ka qabashada hogaanka xisbigaasi ee gobolka sanaag oo mudooyinkii udambbeeyayba lagu dhaliilayay maamul xumi siloon ayaa waxa badiba taageeryaasha xisbiga ka go’an isbadalo siyaasadeed.

Mohamed Yousof Bakayle

Mbakayle@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories