HomeXubnaha mucaaridka ah ee UDUB oo naqdiyey Safar Axmed Yuusuf Yaasiin iyo...

Xubnaha mucaaridka ah ee UDUB oo naqdiyey Safar Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti la socdaa ku marayaan gobollada Bari

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 Feb, 2012 (SLpost)- Xubno ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo khilaaf hadheeyey tan iyo bilawgii sannadkan, ayaa socdaal Guddoomiye Ku-xigeenka, ahna ku-simaha Guddoomiyaha UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti uu hoggaaminayaa ugu kicitimeen Isniintii (dorraad) gobollada Bari ee Somaliland, waxay ku tilmaameen safar kooxeed.

Xubnahaas oo maanta shir jara’aid ku qabtay xarunta UDUB ee Hargeysa, waxay Taageereyaasha Xisbiga UDUB ku war-geliyeen inaanu Axmed Yuusuf Yaasiin matali karin bahweynta Xisbigooda. Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Siciid Sulub oo halkaasi ka hadlay ayaa ku eedeeyay Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin inay socdaal kooxaysan oo aanu xisbigu u dhamayn ay ku tageen Berbera, waxaanu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa laba qodob oo kala ah safarkan uu gudoomiye ku xigeenku uu ugu baxay in uu yahay safar kooxaysan, qodobka kalana waa gudoomiyihii xisbiga oo imanaaya qoladaasina ay u banaysay anaguna inaan u diyaar garoobayno soo dhawayntiisa hadii alle idhaahdo lixda gobolna waxaan leeyahay cidii soo gaadhi karaysa ha ka soo gaadho.”

Siciid Sulub oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Bah-weynta saxaafaddaay waxaan maanta dooneynaa inaan idin sheego waxoogaa khilaaf ah oo xisbiga baryahan danbe soo kala dhex galay, waxaana aan isku daynay inaan dawayno oo aan qarsanno intaannu qarin karno, laakiin waannu qarsan kari waynay waanu soo baxay. Kilaafkan ninkii noogu odaysanaana ayaa abuuray.”

Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Ku-simaha Xoghayah guud ee Xisbiga UDUB Cabdixaliim Maxamed Muuse. “Waxaan maanta halkan isugu nimi in aan beeninno safar uu gudoomiye ku xigeenka Axmed Yuusuf iyo xubno afar ah oo ka mid ah golaha fulinta ku tagay gobolada bari inaanu matalin safarkaasi bah-weynta xisbiga UDUB. waxaana balanku uu ahaa in iyada oo loo dhan yahay gobolada loo baxo.” Sidaa ayuu yidhi Cabdixaliim Maxamed Muuse.

Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada iyo Wasiirkii hore ee qoyska iyo arrimaha bulshada Faadumo Suudi Xasan, oo halkaa ka hadlay, ayaa labadoodu-ba si kulul u naqdiyay Axmed Yuusuf Yaasiin iyo safarkiisa oo ay ku tilmaameen masuul xisbigiisii kala qeybiyay oo garab isaga taabacsan samaystay. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Axmed Maxamed Filan-waa, ayaa isaguna halkaa ka hadlay ayaa eedaymo kuwa kor ku xusan la macno ah u jeediyey ku-simaha Guddoomiyaha UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaas.

Xubnahani waxay shirkaa jaraaid ku sheegeen inuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ah Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB uu dalka ku soo laabanayo toddobaadkan aynu ku jirno, iyaga oo hore u sheegay inuu 5-ta bishan iman doono, balse aan imannin.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories