HomeXubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Is-casilay iyo Sababta

Xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Is-casilay iyo Sababta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xubinta Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ugu jiray Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa goor-dhawayd ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iska casilay xilkaas, isaga oo sababta go’aankiisa ku sifeeyey mid uu “ku badbaadinayo Somaliland”.

blankXasan Yuusuf Ducaale  oo ka mid ah Lix xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee guddiga Doorashooyinka oo dhammaadka Sannadkii hore la dhaariyey, marka laga reebo xubinta Xisbiga WADDANI oo hore ugu gacan-saydhay inay ka mid noqdaaan Guddiga Cusub, ayaa go’aankiisan ku shaaciyey shir-jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xasan Yuusuf Ducaale waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ku ammaanay inuu meel adag iska taagay ilaalinta Sharciga dalka maadaama aanu jirin sharci u jidaynaya inuu kala-diro Xubno komishanka kaddib markii Xisbiyada mucaaradku u soo jeediyeen inuu kala diro Guddiga Cusub ee Doorashooyinka si loo soo af-jaro khilaafkii ka dhashay arrintan.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Go’aanka Iscasilaadda ee Xubinta Xisbiga UCID, ayaa ku soo beegmaya kaddib markii maalintii shalay uu madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeedinayey xuska munaasibadda 26-guurada Maalinta Ciidanka Qaranka, isagoo halkaas ka sheegay in Guddiga Cusub ee Doorashooyinku yihiin qaar sharci ku jooga, balse haddana waayo-aragnimadooda looga maarmi karin Guddigii hore ee doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo arrintan wax laga weydiiyey shalay, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi beesha Caalamka ee taageerta Doorashooyinka Somaliland ku qanciyey inuu soo af-jarayo isla markaana wax ka qabanayo khilaafka u dhexeeya Xisbiyada ee la xidhiidha Guddiga Doorashooyinka cusub ee dhawaan la dhaariyey.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories