HomeXorriyad Helbaan Guntiga U Xidhee, Ma Hadaan Galay Geerashkii Xadhiga

Xorriyad Helbaan Guntiga U Xidhee, Ma Hadaan Galay Geerashkii Xadhiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aynu waayaha dib u yar millicsanno. Weli maynaan lumin kartidii aynu u lahayn niyad-samidda iyo wada tashiga dumuqraadiga ah, kaas oo aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay ee wadankan aasaasay , kaasi oo aasaas u ah guusha ay Somaliland gaadhay ilaa hadda. Waxa aynu u baahannahay in aynu ilaashano  damiirkii xalnaa iyo daacadnimadii ahayd inaynu si wada jira u ilaashano qarankeena kaas oo ah aayaheenii oo aynu ku soo tabcaynay labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay ,sidoo kale waa inaynu ilaashanaa  wada shaqayntii, is ixtiraamka  iyo  ilaalinta madaxbanaanida saxaafada taas oo aasaas u ah  qaranimadeeda iyo wax wada lahaanshaheenaba , hadaba  khudbadii daraad ee madaxwaynaha ayaa ahayd mid  laga dhex dhadhansanayay hadalo isugu  jiray hadidaad, cajo juglayn iyo aarsi laga aarsanayo saxaafada madaxa banaan taasi oo uu  madaxwaynuhu ku weeraray warsidaha Horn Cable sheegayna inuu baahiyay waxyaabo lidi ku ah qaranimada Somaliland, amakaag  ayay igu noqotay markaan maqlay madaxwaynaha oo daraad  sidaa uhadlaya, waxay ahayd daraato  markii uu madaxwaynaha hada talada hayaa uu amaanta u soo jeedinayay saxaafada madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland ee uu lahaa “saxaafada Somaliland waa mid runta sheegta , isheeduna qabato musuq maasuqa”  hadaba madaxwayne shalayto markaad mucaaradka ahayd waa tii aad garabka saaraysay saxaafada ka shaqaysa Somaliland ee ma maanta ayay kula qadhaadhaatay oo aad taladii dalka isku hubsatay, hadaba saxaafada Somaliland ayaa iyadu ah rukunka afaraad  ee  qarankan taas oo ilaayo maalintii xoriyada dalkan dib loola soo noqday hadh iyo habeen u taagnayd siday qarankan u garab istaagi lahayd taasi oo ay in badan kala kulmeen hadidaad, cajo juglayn iyo aarsi joogto ah iyagoo saxafiyiintu ku gudo jira shaqooyinkooda kala duwan. Hadaba  khubadii  madaxwaynaha ka bacdi  ayaa waxaa dhacday in madaxwaynahu qaranka Somaliland uu amar ku bixiyay in albaabada loo laabo teleefishankii ugu caansanaa Somaliland kaasi oo ay warkiisa la socdeen dhamaan shacabka Somaliland sidoo kalana lagala wada socdo daafaha dunida, hadaba maxaa uu madaxwaynuhu ku xidhayaa Horn Cable Tv ? sidaan daawanayay horn cable tv wuxuu soo daayay habeen dhawayto barnaamij uu ku qaada dhigayo shirka taleex iyo arimihiisa kuwaasi oo cadhada ugu badan ee xukuumada sababay markii la soo qaatay hadal uu jeediyay madaxwaynihii hore ee jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale  maalintii xilka uu wareejinayay isaga oo leh “ siilaanyoy waxaan kugu wareejiyay wadan dhamaystiran ee shacabka waa inay kaa helaan wadankaa oo dhamaystiran ” taas oo xukuumadu uu hadalkaasi ku noqday sida waran  taabtay meel boog ahayd, taas oo  ay sababtay markii meelo ka mid ah Somaliland lagaga dhawaaqay maamul goboleedyo cusub , hadaba xadhigan iyo hanjabaadan lagula kacay saxafiyiinta kala duwan ee maanta cabashada la hor tagay madaxtooyadu maxay galabsadeen, maxaa sababay in lagu tunto oo ay xukuumadu cagto mariso iyagoo si salmi ah u sheeganaya dhibtooda, hadaba madaxwayne siilaanyo miyuu ilaaway  in cajo juglaytani uu hada bilaabay  ay tahay tii galaafatay xukuumadii ka horaysay ee ay eeday, sidoo kale madaxwaynuhu miyaanu ogayn cabudhinta saxaafada ay hore u eedeen kalidii taliyayaal awood badan ku lahaa caalamkan kuwaas oo hadh cad afka dhulka loo daray, hadaba xukuumadan madaxwayne siilaanyo oo talada haysay muddo sanad iyo sideed bilood ah ayaa noqotay mid ay eedeen bahwaynta saxaafadu guud ahaan kuwaasi oo intan ay xukuumadina joogtay ay tahay markii ugu badnayd ee ay waligeed tacadi intan leeg ay la kulmaan suxufiiyiintu, sidoo kale madaxwayne siilaanyo miyaynaan odhan Karin wuxu cagta saaray dhabihii maamuladii kali talisyadu ay ku cunoqabatayn jireen  madax bananida iyo rayi cabirista warbaahinta ,maadaama oo uu taagan yahay wax dhaliila la igama sheegi karo, hadaba  qarankan Somaliland ayaan odhan karnaa wuxuu ku taagan yahay dhardhaaro ay kaw ka tahay saxaafadu taas oo ay  Somaliland halkan ku soo gaadhay, sidoo kale marka aad aragto tacadiyada saxaafada lagu cuno qabataynayo iyo car juug dhehdu waxay astaamo waawayn u yihiin burburka xukuumadahaha, sidoo kale ayaynu ka war qabnaa in markii uu siyaad bare uu isku dayay inuu cuna  qabatayn saaro saxaafada iyo dadka abwaanada ay keentay in wakhti yar lagu burburiyo dawladiisii awooda badnayn, hadaba  cabudhintan saxaafada lagu hayo ayaa aad moodaa inay hada caadaysatay xukuumadani taasi oo hadhka cad tacadiyo ba’an kula kacaysa saxafiyiinta gudanaya shaqadoodu, guntii , gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedin lahaa in xukuumada talada haysaa ay ka waan tawdo dhibaatoyinka ay ku hayso saxaafada, hadayse sidan ku sii wado waxaa iman doonto ayaan ay hadhka cad dariiqa saari doono sidii xukuumadihii ka horeeyay ee talada dalka soo maray, madaxwayne Siilaanyana waxaan leeyahay daraad  ayay ahayd markii aad lahayd saxaafadu way madax banaan tahay ee aad mucaaridka ahayd ee ma maantay kula xumaaday markaad taladii dalka isku hubsatay kursigiina aad ogaatay inaad si raaxo leh ugu fadhido.

Qalinkii: C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

 Social Activist

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories