Home“Xoorxoor waa Qaaxadii Dawladda Siilaanyo u Dhiman Lahayd…..”- Qoraaga Cabdillaahi Cawed Cige

“Xoorxoor waa Qaaxadii Dawladda Siilaanyo u Dhiman Lahayd…..”- Qoraaga Cabdillaahi Cawed Cige

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Cali Xoorxoor & Maamulkiisii Dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen Baraha ugu Madmadow, ugu na Aayo Xun Dawladdii Daahir Riyaale, soo celintiisuna waxa ay lid ku tahay isbeddelkii lagu baaqay”

blank
Qoraaga Cabdilaahi Cawad Cige

Maalintii Sabtida ee bisha Diisambar 17ka ahayd waxa dalka Waqooyiga Kuuriya ku geeriyooday hoggaamiyahoodii Kim Jong-il, saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa la asteeyay, dadkii jamhuuriyadda dhegaha xidhan ku noolaa oo dhammi na, rag iyo dumar, waxay jidadka isla tubeen baroor ilmadu hibitiqlaysay.

Tabtaas oo kale ayaa dad badan oo Somaliland lexejeclo ka qabaa baroordiiq ugu qaabileen warka sheegaya in madaxweyne Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ dekedda Berbera u magacaabay Cali Xoorxoor.

Ma jirto tabaalo bulsho ku habsata oo ka weyn, ka na aafo xun musuqmaasuqa iyo ku takrifalka hantida qaranku. Wixii bug iyo dam lagu shiday dawladdii uu madaxda ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin waxa ugu sanqadh weynaa takrifalka hantida qaranka, ma na jirto meel takrifalkaasi kaga badnaa furdadda Berbera iyo maamulkeedii uu madaxda ka ahaa Cali Xoorxoor. Wuxuu ahaa mawduuca xisbiga Kulmiye ku ololaynayay, xitaa madaxweynuhu golayaal badan ka sheegi jiray.

Waxa xaqiiqo ah oo aan cidi na ka murmi karin in Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ yahay muwaaddin dalkiisa lexejeclo weyn u haya, wakhtigii uu duurka ku jiray ayaa taas inagaga filan. Waxa kale oo iyana mudan in la xuso in aanu ahayn nin maanta adduun iyo maaliyad u hamuun qaba, waa waayeel jecel inuu raad taariikhi ah kaga tago bulshadiisa.

Muddada dheer ee dawladdii Rayaale kursiga ku fadhiday, falalka hanti lunsiga ah ee maamulka dekedda Berbera iyo dhiggoodu ku kacayeen iyo kalsoonida bulshadu ku qabtay in uu sixi doono khaladaadka maamul ee taagnaa ayaa keenay in Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ ku guulaysto cod aad u ballaadhan.

Codka uu Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ ku soo baxay badnaantiisu waxa uu muujinayay hammuun ay bulshadu leedahay horumar baannu u jeel qabnaa, caddaalad baannu u baahannahay, sinnaan baannu baadi goobkeeda nahay.

In tallaabooyin badan oo wax ku ool ah ay dawladda Siilaanyo qaadday ha ahaato kordhintii mushaharka shaqaalaha, beddelaadii giimbaarta gobolka Togdheer, iyo tayada iyo waxqabadka wasiirrada la doortay badankooda muran ka ma jiro.

Isku dhammi se la ma helo. Tan iyo maalintii maamulka dawladda Siilaanyo bilowday waxa dhaliilo lagu durayay madaxtooyada iyo hawlkarnimadeeda. Dhaliilahaasi waxa ay ka muuqdaan haykalka dawladnimo oo dhan. Maqnaanshaha isku xidhnaanta hay’adaha dawladda ayaa meelo badan laga dareemayaa. Madaxtooyadu ma tebin karto waxqabadka dawladda, wax fudud oo sharraxaad koobani bulshada gaadhsiin lahayd ayaa aammusku tuhun u beddelaa. Waa in madaxtooyadu u muuqataa hoggaankii dalka, horusocod na u noqotaa wax kasta oo dalka ka dhacaya ee aanay noqon hugun raac ka warcelisa wixii dhacay oo keli ah.

In madaxweynuhu fuliyo hammigiisa ah inuu bulshada raad muuqda oo taariikhi ah kaga tago waxa lagu gaadhi karaa oo keli ah in la helo madaxtooyo la fahmaysa, la hir iyo feker ah, isla markaa na u heellan una daacad ah oo ay shaambaddii hankiisu ku daabacan tahay.

Waxa ay ahayd in la helo oo ay ka hawlgalaan madaxtooyada dad sida madaxweynuhu wax u arko u arkaya, fulinaya amarradiisa iyo go’aamadiisa, isla markaa na hammigiisa iyo hirka uu tiigsanayaa laabtooda sida buugga ugu daabacan yihiin.

Codka uu madaxweynuhu ku yimi wuxuu awood u siinayaa inuu danta guud oo keli ah ku foofo, uma baahna, ma na ah sax in isaga oo madaxa u buuxinaya beel ama shakhsi uu ku dhaqaaqo tallaabo mustaqbalkii dalka, raadkiisii taariikhiga ahaa iyo barnaamijkiisii siyaasadeed ba daaqadda ka tuuraysa.

Cali Xoorxoor iyo maamulkiisii dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen baraha ugu madmadow, ugu na aayo xun dawladdii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, soo celintiisu na waxa ay lid ku tahay isbeddelkii lagu baaqay iyo rajadii dadku ka qabay in horumar la gaadho iyo in geeddi hore loo socdo.

Bulshada jilicsan ee Somaliland way u baahan tahay hoggaan sida Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ jecel inuu raad muuqanaya ka tago, si taas loo gaadho waa in madaxweynuhu helaa cid u dheganugul, lexejeclo na ka hayso wanaag iyo taariikh toosan oo uu ka tago.

Soo celinta Cali Xoorxoor, cid kasta oo ka talisay ba, uma muuqato inay raad wanaagsan oo uu madaxweyne Axmed M. Maxamuud ka tago dhiirrigelinayso, waxay noqonaysaa ba qaaxadii dawladdiisu u dhiman lahayd.

Cabdillaahi Cawed Cige,

Liverpool UK

edleh@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories