HomeXoogagga TPLF oo ka baxaya Gobollada Amxaarada iyo Canfarta

Xoogagga TPLF oo ka baxaya Gobollada Amxaarada iyo Canfarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda Dhexe ee Ethiopia, yaa isaga baxaya gobollada Woqooyi ee deriska la ah, taas oo noqonaysa tallaabo loo qaaday xabbad-joojin suurtagal ah oo lagu xallinayo dagaalka culus ee 13-ka bilood ka socday dalkaas.

Qoraal uu hoggaamiyaha TPLF u qoray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in xoogagga TDF ayaa ka baxayaan gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo ay isku hor-fadhiyaan Milatariga Ethiopia si loo gaadho nabad-waar oo dagaala lagu hakinayo.

blank“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkayagan geesinimada leh ee ka bixitaanku uu noqon doono bilowga nabadda,” Sidaas waxa yidhi Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka Woqooyi ee Tigray.

Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka aheyn ay ka baxeen gobolkooda.

Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa khalkhal galiyay gobolka Geeska Africa. iyada oo 60,000 oo qaxoonti ah galeen dalka Sudan.

Debretsion wuxuu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka xoogagga Tigrayga ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Gobolka Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay dowladda in ay waddo go’doomin dhab ah eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku ay wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama aanay hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidamadayadu ay duulaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” Sidaas waxa Reuters u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories