HomeXoogagga Tigray-ga oo sheegay inay Qabsadeen Magaalo kale oo Muhiim ah

Xoogagga Tigray-ga oo sheegay inay Qabsadeen Magaalo kale oo Muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Jabhadda Tigrayga ee dagaalka kula jirta Ciidamada Milatariga Ethiopia, ayaa maanta sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka Amxaaradda oo uu maro mid ka mid ah labada waddo ee isku xidha caasimadda Addis Ababa iyo Dekedda Jabuuti.

Dagaalyahannada TPLF ayaa gacanta ku dhigay magaalada Kombolcha iyo Madaarkeeda, sida uu wakaaladda Wararka Reuters khadka telefoonka ugu sheegay afhayeen u hadlay Jabhadda oo lagu magacaabo Getachew Reda.

blankAfhayeenka dowladda Federaalka Ethiopia, afhayeenka Milatariga iyo afhayeenka Ismaamulka Xabashida oo weriye ka tirsan Reuters sheegashadan kala xidhiidhay, ayaan wax jawaab ah ka bixin haddii ay jirto in Kooxda TPLF mar kale qabsadeen magaalo kale oo ku taalla ismaamulka Amxaarada.

In kasta oo aan la xaqiijin Karin qabsashada TPLF ee magaalada Kombolcha sababo la xidhiidha khadka isgaadhsiinta oo ka go’an, haddana qabsashada Kombolcha ayaa loo arkaa inay tahay guul wax-ku-ool ah oo ay dagaalyahannada Tigraygu ka gaadheen dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka Ethiopia iyo kuwa Ismaamullada dalkaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray hawl-gallo ay gobolka Amxaarada kaga saarayaan dagaalyahannada Tigrayga.

Magaaladan ku taalla dhulka Istaraatajiga ah oo 380km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa noqonaysa magaalada ugu durugsan gobolka Amxaarada ee dagaalyahannada TPLF gacanta ku dhigaan tan iyo markii ay weerarka ku bilaabeen gobolkan bishii July ee sannadkan.

Afhayeenka jabhadda TPLF, Getachew, ayaa Sabtidii shalay shaaciyey inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Dessie oo ku taalla woqooyiga gobolka Amxaarada, halkaas oo gabbood u ahayd tobanaan kun oo qaxoonti Amxaaro ah oo dagaalka ka cararay. Haseyeeshee, dowladda Ethiopia ayaa beenisay jiritaanka warkan.

Muddo sannad ah ayaa laga joogaa markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Milatariga Federaalka iyo TPLF oo muddo 30 sanno gacanta ku hayay siyaasadda dalka Ethiopia, ka hor intii aanu xukunka laga wareegin Raysal-wasaare Abiy Ahmed oo Kursiga fuulay sannadkii 2018-kii.  Kumanaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka, waxaanu barakiciyey in ka badan laba Milyan oo guryahooga ka qaxay.

Xoogagga Tigrayga ayaa bilowgii dagaalka lagu jabiyey, haseyeeshee bishii July ayay dib u qabsadeen gobolka Tigray, iyagoo markii dambe ku soo siqay Ismaamullada Amxaarada iyo Canfarta oo ay qabsadeen, waxaanu weerarkaasi sababay inay barakacaan boqolaal kun oo ah shacabkii ku noolaa gobollada Amxaarada iyo Tigrayga.

Badhtihii bishan October, xoogagga Tigray ayaa sheegay in Milatariga Federaalku weerarro ku soo qaaday si looga saaro gobolka Amxaarada

Milatariga Federaalka ayaa Xoogagga Tigrayga ku eedeeyey inay weerarradii u dambeeyey ee sababay dagaalka socda ay iyagu soo qaadeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories