HomeXoogagga Golaha ku-meel gaadhka Libya oo qabsaday Magaalada Saawiya

Xoogagga Golaha ku-meel gaadhka Libya oo qabsaday Magaalada Saawiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)- Xoogaga Golaha ku-meel gaadhka dalka Libya ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Sabha ee koonfurta dalkaas. Oo maalmihii ugu danbeeyay dagaal qadhaadhi ku dhex marayay ciidamo u daacad ah hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar Al-Qadaafi.

blankDagaalo culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ka dib waxa ay Magaalada Sabha u muuqataa mid imika gacanta u gashay ciidamada golaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya, taas oo si wayn uu wiiqaysa awooda kooban ee u hadhsanayd hogaamiyihii hore ee Libya Qadaafi iyo taageerayaashiisa oo wali ku dagaalamaya dhawr magaalo oo Sabha ka mid ahayd.

Inta badan maasuuliyiintii iyo taageerayaashii Qadaafi ayaa isugu ururay sadexda magaalo ee Sabha, Sirta iyo Binwaleed, goobahaas oo ay difaac adag kaga jireen, tan iyo wixii ka danbeeyay 28-kii bishii hore ee August oo xoog lagaga saaray magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

blankMagaalada Sabha oo isku dhinaca koonfureed ee dalkaas iyo caasimadda Tripoli waxa ay leedahay istaaratiijiyad dhinaca dhulka ah, taas oo dhinacyada Libya ku dagaalamaya ugu fadhida muhiimad milatari oo balaadhan taas oo dhinaca ku xoog roonaada u fududaynaysa inuu hantiyo jidka kaliya ee halbowlaha ah ee isku xidha dhinac koonfureed ee dalkaas iyo magaalooyinka xeebta ku teedsan.

Ciiddamada golaha ku meel gaadhka ee Libya ayaa sheegay in dagaalka magaaladani uu ku noqday mid adag, intii ay ka filayeen, hasa yeeshee ay imika gabi ahaanba xoreeyeen magaaladaas, xoogagii taageersanaa Qadaafina ay si buuxda uga  baxeen.

Dadka ku dhaqan Magaalada Sabha ayaa intooda badani ka soo jeedaan dadka madow ee afrikaanka ah, oo si wayn u taageeray Qadaafi iyo dawladiisi, waxaana si wayn looga dareemayay cabsi hadhaysay dadka ku dhaqan magaaladaas oo ka cabsi qaba in aar goosi lagula kaco.

Dhinaca kale Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed ayaa wali dagaalo ba’ani ka socdaan, waxaana la arkayay madaafiic iyo gantaalo xoogaga taageersan Qadaafi soo ridayaan, sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dalka Britain ayaa duqayn u gaystay goobaha xoogaga Qadaafi taageersani ku sugan yihiin ee magaalada Sirta.

Somalilandpost News Desk

Kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories