HomeXogta Qorrax-madoobaad Maalinta Berri Ku Beegan iyo Waddamada Laga Arki Doono

Xogta Qorrax-madoobaad Maalinta Berri Ku Beegan iyo Waddamada Laga Arki Doono

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qorrax-madoobaad dhammeystiran ayaa la filayaa inuu dhaco maalinta Berri oo taariikhdu tahay 8-da bishan April 2024 ama 29 Ramadan 1445-ka.

Qorrax-madoobaadkan ayaa si dhammeystiran looga arki doonaa saddexda waddan ee ku yaalla Woqooyi Qaaradda Ameerika oo kala ah Maraykanka, Mexico iyo Canada, waxaanu socon doonaa muddo lagu qiyaasay hal saac oo iftiinka qorraxdu gebi ahaanba ka maqnaan doono Woqooyiga Amerika iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Ameerika iyo Galbeedka Yurub oo qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto.

Sida culimadu Saynisku aamisan tahay, qorrax-madoobaadka ayaa ku yimaadda marka Dayaxu kala dhex-galo qorraxda iyo Dhulka.

In kasta oo aan dunida inteeda badan laga arki doonaan dhacdadan, waxa la sheegay in aragtida qorrax-madoobaadka dhammeyska tiran uu ka bilaabmi doono Woqooyi Ameerika 16:38, 08 April, 2024 oo ku beegan 07:38 Fiidnimo, 08 April, 2024 saacadda Bariga Afrika.

Qorrax-madoobaad aan dhammeystirnayn ayaa laga arki doonaa Waddamo ku yaalla Yurub, Latin America iyo Jasiirado ku yaalla Badweynta Atlantic iyo Pacific, kuwaas oo ay ka mid yihiin:- American Samoa, Anguilla, Antigua and Barbuda  , Aruba, Belize, Bermuda, British Virgin Islands, Cabo Verde, Caribbean Netherlands, Cayman Islands, Colombia, Cook Islands, Costa Rica, Cuba, Curaçao, Dominica, Dominican Republic, Ecuador, El Salvador, Faroe Islands, France, French Polynesia, Greenland,  Guadeloupe, Guatemala, Haiti, Honduras, Iceland, Ireland, Isle of Man, Jamaica, Kiribati, Nicaragua, Norway, Panama, Portugal, Puerto Rico, Russia, Saint Kitts and Nevis,  Spain, The Bahamas, US Virgin Islands, United Kingdom iyo Venezuela.

Dhacdadii u dambeysay ee sidan oo kale dunida qaybo ka mid ah looga arko qorrax-madoobaad dhammeystiran, ayaa ahayd Sannadkii 2017-kii oo laga arkay Woqooyi Ameerika. Halka qorrax-madoobaadka dhammeystiran ee kan ku xiga la saadaaliyey sannadka 2026-ka oo laga arki doono qaaradda Yurub.

Marka laga yimaaddo qorrax-madoobaadka, waxa sidoo kale dunida ka dhaca Dayax-madoobaad oo yimaadda marka Dhulku kala dhex-galo Qorraxda iyo Dayaxa, maxaa yeelay waxa la aamisan yahay in Dayaxu iftiinka ka qaato Qoraxda.

Sida aanu ka soo xigannay khubarada sayniska, qorrax-madoobaad kasta oo dunida ka dhacaa, waxa uu yimaaddaa laba toddobaad ka hor ama kaddib marka Dayax-madoobaad ka dhaco dunida.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories