HomeXogo Qarsoodi ah oo Daboolka ka Qaaday Wada-xaajood Meles Zenawi iyo M/weyne...

Xogo Qarsoodi ah oo Daboolka ka Qaaday Wada-xaajood Meles Zenawi iyo M/weyne Geelle ka yeesheen Dekeda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Xogo Qarsoodi ah oo dhawaan la shaaciyey, ayaa sheegaya in Raysal-wasaarahii geeriyooday ee dalka Itoobiya Melez Zenawi iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ismaaciil C. Geele, ay ka wada hadleen heshiiska Somaliland kula gelayso shirkada Bollore ee dalka Faransiiska laga leeyahay maamulidda Dekeda magaalada Berbera.

Xogahan qarsoodiga ah oo laga helay Dokumentiyo si hoose looga u baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Jabuuti, ayaa bayaamiyey in Wasiirkii Arrimaha Dibedda Xukuumadii Rayaale, Cabdillahi Maxamed Ducaale, kulan uu la yeeshay Safiirkii Maraykanka ee Jabuuti  J. Swan, bishii January 4, 2010 u sheegay in Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi khadka telefoonka  kula yeeshay Madaxweynaha Jabuuti wada-xaajood ku saabsan heshiiska shirkadda Bollore iyo Somaliland ee ku saabsan dekedda Berbera, kaas oo ilaa wakhtigaas soo taxnaa, sida lagu shaaciyey barta Internetka ee xog-keydiyaha Wikileaks.

DIGITAL CAMERAXogaha qarsoodiga ee laga helay Safaarada Maraykanka ee Jabuuti, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aanu wax diidmo ah ka muujin qorshaha heshiiskaa, sida uu sheegay Cabdillahi M. Ducaale.

“Somaliland iyo Itoobiya wakhtigan horumar ayey ka gaadheen wada- xaajoodka lagula jiro shirkadda Bollore ee maamulida dekeda Berbera. Isla markaana, safiirka Faransiiska ee Itoobiya Jean-Christophe Belliard kaalin weyn ayuu ka qaatay heshiiskaa,” sidaa waxa yidhi Wasiirkii Khaarajiga Xukuumaddii Rayaale, Cabdillahi M. Ducaale, sida ay lagu baahiyey macluumaadka laga helay safaaradda Maraykanka ee Jabuuti oo xogahani soo xiganayaan.

Haseyeeshee, sida xaqiiqadu tahay, Dekedda Magaalada Jabuuti oo daboosha baahida inta badan baahida ganacsiga dibadda ee dalka Itoobiya, ayaan haba yaraatee ogoleyn loollan Ganacsi oo kaga yimaadda Dekedaha waaweyn ee dhiggeeda ah sida Dekedda Berbera, iyada oo la ogsoon yahay in daba-yaaqada sannadkii tagay uu madaxweynaha Jabuuti dhagax-dhigay deked cusub ee laga hirgelinayo deegaanka Dooraale oo masaafo yar u jira xuduudka Jabuuti la wadaagto Somaliland.

Macluumaadkan laga helay safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ee lagu baahiyey barta Internetka ee Wikileaks, ayaa ku soo beegamaya iyada oo dhowaanahan la hadal-hayey warar ku saabsan heshiis maal-gashi baaxad leh oo lagu samaynayo Dekedda magaalada Berbera, kaas oo la filayo inuu dhexmaro xukuumadda Somaliland iyo shirkada Bollore ee dalka Faransiiska laga leeyahay.

Sidoo kale, warar qaar ayaa sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland todobaadka dambe ugu amba-baxayo waddamada dibadda uu qayb ka yahay dhammaystirka Heshiiskan, isl amarkaana ay masuuliyiinta shirkaddaas ku kulmi doonaan Magaalada Paris ee dalka Faransiiska oo Xaruntoodu tahay.

XIGASHO: Wargeyska HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories