HomeXogo laga helay Xaqiiqada iyo Qaabka uu u dhacay Weerar Nin Shaqaale...

Xogo laga helay Xaqiiqada iyo Qaabka uu u dhacay Weerar Nin Shaqaale Ka Ah Dugsiga Nuraadin Maasajid Dhexdii Ugu Gaystay Maamulaha Guud Nuuradiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Dhawaan Ayay Ahayd Markii wakhtiga Udhaxaysa Saaladii Makhrib iyo Tii ishaaci masaajid ku yaala xaafada boqol iyo kontonka ee magaalada hargaysa uu nin Katirsanaa shaqaalaha dugsiga hoose ee nuuradiin ee xaafada sheikh madar uu maamula guud ee dugsiyada nuuraadin ku dhex weeraray masaajid uu wakhtigaa ku suganaa kaasi oo dhaawacyo culus kasoo gaadhsiiyay madaxa wallow xaalada caafimaad ee maamulka dusgiyada nuuraadiin Xaaji Mahad ay hada fiican tahay,

blank
Macalinka iyo Maamulaha Guud ee Nuuradiin

Hadaba Nin shaqaalaha ka ahaa dugsiga hoose ee nuuradiin oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed ayaa sida uu ka waramay qof goob jooge ahi masaajidka ugu dhex yimid maamule mahad isagoo doonayay in uu kala hadlo maamula nuuraadiin ee xaafada sheikh madar oo ay iskhilaafeen

Ugu Horay ninka maamula dugsiyada Nuuraadiin Xaaji Mahad Dhaawaca Ugaystay xogtiisa iyo waxa ay isku maandhaafeen maamulaha nuuraadiin ee qaybta Sheikh Madar iyo wixii dhexmaray ninkan macalinka ah.

Sida uu ka waramay maamulka qaybta uu katirsaa ayaa yidhi “Ninkani Walaalayaal waxa uu ka mid shaqaale hoosaadka (xaadiriye) Dugsiga Primary ga Sh. Madar Waxa uu shaqada ka tagay markii loo fasaxay ardayda xanuunkan Corono Virus isaga oo aan wax ogaysiis ah soo gudbin, fasax na aan qaadan, markii uu maamulaha Qaybta Sh. Madar la xidhiidhay waxa uu u sheegay inuu hawlo kale oo u gaar ah ku mashquulsanaa. wuxuu ka maqnaa shaqada mudo bil ah, markii ay hawlihiisii u gaarka ah u soo dhammaadeen kaddib maamulaha ayuu u yimid, maamuluhu waxa uu waydiiyay shaqada waxa uu uga maqnaa, waxa uu u sheegay inuu hawlo u gaar ah ku mashquulsanaa. Maamuluhu wuxuu ugu jawaabay hadaba hawlahaagaa kuu gaarka ah iyo shaqadaas aad ku jirtay sii waddo anaguna shaqqo kuuma hayno. Wuxuu ugu jawaabay ma adigaa shaqada iga eryi kara nin ayaa iskuulka iska leh. Halkaas ayay isku khilaafeen maamulaha qaybta iyo hawl wadeen kani.”

Sheekadaasi waxay dhex martay Maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Madar Mr. Fuaad iyo ninka dhaawaca geystay.

Maxaa Dhexmaray Ninkan shaqaale hoosaadka ahaa dugsiga nuuradiin qaybtiisa sheikh madar Iyo maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuraadiin Markii UU Masaajidka Ugu Yimid;

Kadib markii ay isa soo khilaafeen maamulaha nuuradiin qaybta sheikh madax ee uu ka shaqayn jiray waxa uu ugu tagay Masaajidka Haji Mahad oo Wakhtigaas Quran ku akhrisanaya Masaajidka dhexdiisa, waxa uu ku yidhi Shaqadii ayaa layga joojiyay ee ii ergeeh, Wuxuu maamuluhu ugu jawaabay waan digriyayayaa oo masjid ayaan fadhiyaa ee wakhti kale inooga dhig. kadib waxa uu ugu jawaabay iska digri, waa uu kacay ninkii, xaajigina quraankiisii ayuu sii watay kadib intuu soo qaatay rixliga (birta adag ee Qur’aanka lagu akhristo) ayuu isaga oo sii jeeda oo aan arkayn madaxa kala eegtay maamulaha laba jeer oo daran doori ah, halkaasuu dhaawac culus oo madaxa ah kusoo gaadhsiiyay maamulaha Dugsiyada Noradin Xaji Mahad Ibraahim.

Maxaa dhacay kadib markii dhaawaca ugaystay Xaaji mahad Masaajidka dhexdiisa?

Markii uu dhaawaca geystay ninkani ayuu isku dayay in uu baxsado, kadib orodkii ayaa waxa uu ka dhacay kaabada masaajidka, halkaasi oo dhaawac kasoo gaadhay gacanta iyo lug waasi sida uu isaguna ku qoray OB ga saldhiga uu ku xidhan yahay. Wax laf ah oo uu ka jab yahay majirto

blankDhanka kale xogahan ayaa beeniyay in ninkani uu soo gaadhay dhaawac jabniin ah kaasi oo dadka qaar ku baahiyeen baraha bulshada iyo warbaahin online ka qaarkood in uu jaban yahay.

Maamulka qaybta nuuradiin ee ka shaqayn jiray cabdiraxmaan oo ah ninka dhaawac ugaystay maamulihii guud ee Nuuradiin ayaa beeniyay in ninkani uu dugsiga ku lahaa mushahar Afar bilood ah taasi oo sheegeen in ay waxba kama jiraan tahay,

Ninkan dhaawac ugaystay maamulihii guud ee nuuradiin ayaa wali ku xidhan saldhiga daloodho ee magaalada hargaysa kaasi oo wali wax war ah oo faah faahsan ujeedada rasmiga ee ka danbaysay weerar uu ku qaaday maamulaha guud ee dugsiyada Nuuraadiin aanay kasoo saarin Ciidamada booliska oo gacanta ku haya Kiiskiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories