HomeXogo laga helay Safar Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Dalka Kenya

Xogo laga helay Safar Madaxweynaha Somaliland ku tagayo Dalka Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay socdaal ku tagayaan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaddib markii sida la sheegay uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaas Uhurru Kenyatta.

Ma jiro war rasmi ah oo lagaga hadlay socdaalka madaxweynaha JSL, haseyeeshee ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirradu ay 24-ka Saac ee soo socda socdaal ugu bixi doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo diyaarad khaas ah ka raaci doona garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in weftiga madaxweynaha ay xubno ka noqon doonaan Wasiirrada Arrimaha gudaha, Horumarinta Deegaanka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo maanta ka soo laabtay safar shaqo oo uu dibadda ugu maqnaa isagoo soo koobay socdaal uu isaga dab-qaaday dhowr waddan oo qaaradaha Afrika iyo Yurub ka tirsan sababo la xidhiidha safarka madaxweynaha.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa filayaa inuu magaalada Nairobi kulamo kula yeesho madaxda dalka Kenya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama oga sababta ka dambaysa marti-qaadka uu madaxweynaha JSL ka helay dhiggiisa Kenya iyo waliba waxyaabaha ay ka wada-hadli doonaan, haseyeeshee safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu circa isku shareeray khilaaf dibloomasiyadeed oo u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Farmaajo ayaa dhawaan dalkeeda ka caydhisay safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho, halka ay safiirkeediina u yeedhatay, kaddib markii ay ku eedaysay Kenya inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Safarka ayaa noqonaya kii u horreeyey madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya tan iyo markii uu talada dalka qabtay sannadkii December 2017-kii, iyadoo sannadkii u dambeeyey la hadal-hayey safarka madaxweyne Biixi ee dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa hore safarro kala duwan ugu tagay dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, dalalka Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyadda Guinea iyo Sacuudi-Arabiya.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh dibloosiyadeed iyo mid ganacsi oo ugub ah, iyadoo Somaliland xafiis ku leedahay magaalada Nairobi, halka dalka Kenya oo tirada dhowr jeer ballan-qaaday inay ka xafiis ka furanayaan magaalada Hargeysa aanay ilaa hadda waxba ka hirgelin.

Sidoo kale, dalalka Kenya iyo Somaliland ayaa wadaaga taariikh dowladnimo iyo mid siyaasadeed, iyadoo labada waddanba ay muddo qarni ku dhow hoos iman jireen maamulka boqortooyadii Ingiriiska, ka hor intii aanay xorriyadda Qaadan labada waddanba. Somaliland ayaa xornimada ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1960-kii, halka Kenya ay ka dambaysay muddo saddex sanno ah oo ku beegan bishii December sannadkii 1963-kii.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories