HomeXogo ku saabsan Qaabka uu u dhacay weerar Askari Ilaalada Jamhuuriga ka...

Xogo ku saabsan Qaabka uu u dhacay weerar Askari Ilaalada Jamhuuriga ka tirsani ku Qaaday Garoonka diyaarada Jabuuti oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle shalay ka soo Dagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sarkaal Ilaalada Jamhuuriga Ka tirsan iyo Dhakhtarkii Khaaska ahaa ee Madaxweynaha Jabuuti oo weerarka ku dhaawacmay

– Waddaado Arrimo siyaasadeed u xidhan oo la qorsheynayo in maanta la sii daayo

Djibouti (SLpost)- Askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, ayaa rasaas ku furay wefti uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay ku laabtay dalkiisa ka dib socdaal muddo todobaaddo ah qaatay oo ugu maqnaa waddanka Maraykanka.

Djibouti_007Weerarka Askarigani ku qaaday Madaxweynaha oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxa ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ilaalada madaxweyne Geelle i kuwaas oo dhaawacyadooda lagu xannaanaynayo cisbitaal Milatari oo ku yaala magaalada Jabuuti, sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo madax-bannaan oo ku sugan magaalada Jabuuti.

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka weerarka dhaawacmay uu ku jiro Dhakhtarka khaaska ah ee madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo garoonka wakhtigaas garoonka ku sugnaa. Dhaawaca soo gaadhay dhakhatarka, ayaa la sheegay inuu yahay mid sahlan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawladda Jabuuti, haseyeeshee xogaha aanu helnay waxa ay tibaaxeen in sarkaal ka tirsan ilaalada madaxweynaha Jabuuti oo lagu magacaabo Dr Idriss Cabdi Galab uu ka mid yahay labada qof ee dhaawacyadu ka soo gaadheen weerarka askarigani ku qaaday garoonka diyaaradaha Jabuuti, waxaanay wararku intaas ku dareen in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu toban daqiiqo ka sii maqnaa garoonka wakhtiga weerarku dhacay.

Askariga Weerarka geystay oo aanay noo suurto-galin inaanu magaciisa ogaanno, ayaa la sheegay in isla markiiba ay gacanta lagu dhigeen ciidamada ammaanka ee ku sugnaa garoonka.

Lama oga sababta Askariga ka tirsan ilaalada madaxtooyada Jabuuti ku kalliftay inuu weerarka qaado, , haseyeeshee waxa la sheegay in ciidamada Ammaanu ay bilaabeen sababta ka dambaysa weerarka Askarigu fuliyey iyo haddii ay jirto cid ka dambaysay rasaasta lagu furay saraakiisha Ciidanka Ilaalada madaxweynaha.

Falkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca dalka Jabuuti tan markii la sameeyey Ciidamada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti siddeed sanno ka hor.

Weerarkani Askarigu dhaawacyada ugu geystay saraakiisha ka tirsan Ciidamada Jamhuuriga, ayaa ku soo beegmaaya iyada oo maanta loo ballansan yahay in xabsiga laga sii daayo saddex wadaad oo arrimo siyaasadeed loogu xidhay dalkaas horaantii sannadkan. Saddexda wadaad ee la qorsheeyey in maanta la sii daayo, ayaa magacyadoodu kala yihiin Sheeh Cabdirahman Bashir, Sheekh Cabdirahman Barkhad iyo Sheekh Giire Maydal, sida noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo aanu ka soo xigannay warka sii-deynta culimada arrimaha siyaasadeed u xidhan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories