HomeXogo daaha ka rogay Sababta Qaddafi ilaaladiisa gaarka ah Haween uga dhigtay...

Xogo daaha ka rogay Sababta Qaddafi ilaaladiisa gaarka ah Haween uga dhigtay iyo Shuruudihii lagu xidhi jiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira (SLpost)- Shabakadda Caalamiga ah ee SomalilandPost waxay fursad u heshay inay idiin soo gudbiso xog in badan daah ku rognaa oo dad badanina su’aalo iska weydiinayeen sababta ku kalliftay Kornayl Qaddafi inuu ilaalladiisa gaarka ah ka dhigo hablo da’ yar oo wada Gashaantimo ah.

body

Mid ka mid ah ilaaladdii sarsare ee Kornayl Qaddaafi oo u warrantay mid ka mid ah saxaafadda reer Bariga ayaa iftiimisay xogo badan oo ku duugnaa sirta ka dambaysa nooca ilaalada hoggaamiyaha baxsadka ku jira ee Liibiya.

 

bodyguards

SomalilandPost.net oo soo xiganaysa waraysi ay gabadhani siisay jariiradda Daily News and Analysis oo ka soo baxda dalka Hindiya, waxay ka warrantay waxyaabo badan oo la xidhiidha shaqadeedi askarinimo, sida loogu xushay iyo waxyaabaha ay qaban jireen.

bodyguid

Sarkaaladan oo wakhtiga waraysiga laga qaaday ku sugnayd xarun ciidamadda Mucaaridka dalka Libya leeyihiin oo ay maxbuus ahaan ugu jirto, ayaa ugu horayn ka warrantay sidii goobta ay ku xidhan tahay ay ku timi, waxaanay tidhi, “Dhawr cisho ka hor ayaa la igu soo qabtay dagaal qadhaadh oo u dhexeeyay ciidamadayadii iyo kuwa mucaaridka ah, dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad badan oo aan muddo soo wada shaqaynay iyo kuwa aan aad isugu dheerayn.”

bodyguirad

Intaa ka dib waxa haweenaydan la waydiiyay xiligii ay shaqada gashay iyo wixii shuruudo lagu xidhay ama guud ahaan lagu xidhi jiray hablaha kale ee dhigeeda ah ee ka midka noqonaya ciidamada ilaalada Qadaafi, waxaana ugu muhiimsanaa inay gabadha ilaalada u noqonaysaa ay bikir tahay isla markaana aanay weligeed guursanayn inta ay u shaqaynaysay, iyada oo arrimahan ka hadlaysa waxay tidho, “Waxaan ilaalada hogaamiyaha ka mid noqday sanadkii 1984-kii, ilaa xiligaasna waan ka tirsanaa, maan guursan oo xaas looma ogola hablaha ilaalada ka tirsan, waxaa la siin jiray tababar adag, shuruudaha ugu badan ee hablaha ka midka noqonaya ciidanka lagu xidhi jiray waxay ahayd, inay tahay gabadh dheer oo laf leh, xaga quruxdu may ahayn wax sidaa u sii wayn.”

body guird2

Gabadha ka mid noqonaysa ilaaladiisa ayaa marka ugu horreysa ku dhaaranaysa inay nafteeda isaga u hureyso isla markaana aan la guursan karin intay shaqada ku jirto. Waxa ka sii daran, inaanu u dulqaadan doonin gabadha nin kale iska jeclaata isla markaana la ciqaabayo haddii ay ku dhacdo.

body3

body2

Colonel Caa’isha Cabdi Salaam oo la waydiiyay sababta Qadaafi ilaaladiisa uga dhigan jiray dumar, ayaa sheegtay in taas ujeedada ugu badan ee uu ka lahaa ay ahayd, sidii aduunka uu ugu muujin lahaa in haweenka reer Libya haystaan xuquuq la siman ta raga oo kale shaqo kastana ay qabtaan. Sidoo kale ayay ku tilmaantay hawsha ay qaban jireen inay ahayd mid adag, imikana dareemayso sidii qof dhakhtarka xanuunka dhimirka ka soo baxay oo kale. Tirada hablaha caadiyan u raaci jiray Qadaafi ama la safri jiray ayay sheegtay inay dalka gudihiisa ahaan jireen saddex halka safarada dibadana ay ku wehelin jireen ilaa afar hablood. Sida ay ku warantay gabadhani had iyo jeer waxa safka hore ku jiray, hablaha dhaadheer ee xitaa marka ay Qadaafi daba istaagaan aad uga madaxa fiiqan.

bodyguird

Sida ay shaqadan u arkayeen iyo kalsoonida ay ku qabeen iyadoo ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Aad baan u jeclayn, waxaan u arki jirnay inay tahay shaqo sare, waxaanu ahayd cida ugu dhow hogaamiyaha, waxaan lahayn mushahar badan, tixgalin dheeraad ah, qadarin balaadhana wadanka waanu ku lahaan jirnay.” Colonel Caa’isha Cabdi Salaam ayaa xustay in aan is qurxin badan loo ogolayn, fasaxooduna aad u yaraa. Adkaysiga iyo waxyaabaha ay raga kaga marmeen mar la waydiiyay ayay sheegtay in gabadh kasta oo ciidanka ka tirsani ku soo biirtay iyadoo aad da’deedu u yar tahay, sidaa daraadeedna aanay wax badan oo fikir ah aanay ka haysan arrimaha guurka iyo lamaanaha, waxaanay si adag u beenisay in la siin jiray dawooyin hamadda kala dagaalama iyo waxyaabo la isku ilowsiiyo guurka.

body3

Kornayl Qaddaafi ayaa sannadkii 1984kii waxa uu sameeyay guuto isaga ilaalisa oo lagu magacaabo AMAZONS taas oo  ka kooban gabadho da’ yar oo qaarkood uu isagu soo koriyay.

body guird

Waxay ahayd sannadkii 1998kii oo Islaamiyiin Liibyaan ahi weerar ku qaadeen Qaddaafi oo booqanaya deegaan ka tirsan dalka Libya. Weearkaas waxa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisii uu ugu jeclaa halka qaar kalena ku dhaawacmeen. Sarkaalladdan dhimatay ayaa nafteeda miinaysay ka dib markii ay rasaas isaga dhigtay Qaddaafi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories