HomeXoghayihii Siyaasada Ee Iska Casilay Xisbiga Waddani Oo Amaanay Guddoomiye Cirro

Xoghayihii Siyaasada Ee Iska Casilay Xisbiga Waddani Oo Amaanay Guddoomiye Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Xoghayahii siyaasada ee xisbiga Waddani Maxamuud Raage ayaa amaan u soo jeediyay xisbiga Waddani iyo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu ka tilmaamay shaqo ka tagidiisii mid la xidhiidha hawlo u gaar ah.

Waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu so dhigay barta bulshadu ku lanto ee Facebook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan”Ssalaan dabadeed sidaa la socoteen waxaan iska Casilay Xilkii Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani, sida aad ku arkeyseen qoraalkaygii koobnaa wax deelqaaf ah kumaan soo gudbin, mana laga yaabo in aan Ragii iyo Dumarkii walaalahayga ahaa ee qiimaha badnaa ee aan mudada kooban wada shaqeynay aan maago ama aan meelkadhac ku sameeyo.

Waxaan mareegaha maxaliga ah ku arkayey in siyaabo badan loo tarjuntay shaqo ka tegidaydaa, haw badnaayeen been abuur, aflagaado, buhtaan iyo wax aan raad lahayn.

Waxaan leeyahay waar waa la doogi ee yaan la dacaroon, anigu Gudoomiye Cabdirahman waa nin aan saaxiib nahay, aniga iyo isaga ayaa shaqada wada bilawnay oo aan cidna na qasbeyn , wuuna ka dheregsan yahay waxa aan shaqada uga tegay, waa nin aad u qiimo badan oo afkiisa iyo adinkiisaba laga nabad galo,

markaa ninkii wax taraya waxa uu u baahan yahay in dad loo kasbo, ee marnaba aflagaadeynta odayaashu isaga waxba u tari mayso.

Dadka aan ku bartay Waddani waa dad qiimo iyo qaayo badan waa dad wada ehelkay ah, waa dad xigto iyo qaraabo ah, lagama yaabo in aan aflagaadeeyo, waayo waxaan u arkaa in aan anigu is aflagaadeynayo.

Guud ahaan Xisbiga waxaan u aqaan xisbi Qaran oo ka mid ah hantida qaranka Somaliland mana ku tilmaamayo waxaanu ahayn, Waxaan ixtiraamayaa dadka qiimaha badan ee maal iyo mood kaga jiro mana doonayo in aan wax u dhimo.

Ugudanbeyn dadkii i taageeri jiray aad baan ugu mahad celinayaa mudo kooban siyaasada waan ka nasan waxaana idiin soo sheegi cida aan lka shaqeyn doono mustaqbalka.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories