HomeXoghayihii Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI oo Xorriyadooda dib u helay iyo...

Xoghayihii Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI oo Xorriyadooda dib u helay iyo Dareenkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka  ah ee WADDANI, ayaa gobanimonews u xaqiijiyey in goordhaweyd xabsiga magaalada Mandheera ay ka soo baxeen xoghayihii guud iyo Afhayeenkii Xisbiga WADDANI oo muddo todobaad gaadhaysa xidhnaa, kaddib markii ciidanka amaanku taxaabeen 17-kii bishan November.

Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar ayaa loo xidhay arrimo la xidhiidha in ay abaabulayeen dibad-baxyo sharci darro ah oo guddoomiyaha xisbiga waddani ugu baaqay taageeraashiisa.

Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xisbigaasi Yoonis Axmed Yoonis ayaa wariye ka tirsan Gobanimonews oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay u sheegay “haa waa la soo daayey waanay fiican yihiin, waanay caafimaad qabaan”ayuu si kooban u sheegay Xoghayuhu.

Geesta kale Afhayeenka xabsiga laga soo daayey oo hadal kooban ka jeediyey madal lagu wareejiyey hogaanka xisbigaasi, kaddib markii xabsiga laga soo gelbiyey, ayaa yidhi “aad iyo aadbaan ugu mahad-naqaynaa cid kasta oo qallin iyo qowlba noogu hiilisay. xoriyadayadiina waa helnay, gadaalbaynu isaga warami doonaa inshaallah”ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.

Geesta kale, warku wuxuu intaasi ku daray in la sii daayey Nin kale oo isna arrimo siyaasaddeed u xidhnaa  Muj Cabdi Ibraahim oo lagu naanaysay Ila meerayso.

Waxa laga soo daayey oo ay ku xidhnaayeen xabsiga magaalada Mandheera, halkaasoo intii ay ku xidhnaayeen hal mar maxkamada la keenay.

Wajigooda iyo lebiskooduba waxa uu ahaa mid caadiya waxaana laga dareemayey in ay ku riyaaqeen helida xoriyada, kaddib todobaad ay xidhnaayeen.

Soo daynta xubnahan ayaa saacado kaddib, markii ay culimo dhexdhexaadinaysay dawladda iyo mucaaridku sheegeen in madaxweynuhu ka aqbalay in masuuliyiinta iyo taageearayaasha xisbiga WADDANI ee xidhan la sii daayo.

Ugu dambeyn khilaafka xukuumadda iyo mucaaridka u dhexeeya ayaa muuqda si tartiib-tartiiba u soo afjarmaya, maadaama oo aanay labada dhinac midkoodna dacwad u gudbin dariiq sharci oo yooyootanku ku sii socon karo.

 

@GNA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories