HomeXoghayihii Arrimaha Gudaha ee UCID oo Shaaciyey Is-casilaad uu u...

Xoghayihii Arrimaha Gudaha ee UCID oo Shaaciyey Is-casilaad uu u Nisbeeyey Hadal Ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbigaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii Arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa shaaca ka qaaday inuu Iska casilay xilkii uu ka hayey iyo xubninimadiisii Xisbigaas, waxaanu go’aankiisan ku sababeeyey mid fal-celin u ah hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe.

Cabdi Maxamed Saleebaan oo xilkan xisbiga uu hayey muddo sannad iyo badh ah, waxa uu is-casilaadda u nisbeeyey hadal guddoomiyaha UCID dhowaan ku sheegay inay xisbi mucaarad ahaan wada-hadal la furi doonaan dawladda Somaliya haddii Xukuumadd madaxweyne Siilaanyo isku koobto xubnaha Somaliland u metalaya wada-hadallada labada waddan.

MingisteXoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u qornaa sida tan:-

“Runtii waa wax lala yaabo,hadalka Gudoomiyaha  Xisbiga UCID,ee ah  Xisbiyada Macaaridka ah waxay  wada hadalo la furayaan  Dowlada Soomaaliya. Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashada,inta lagu dhawaaqin hadalka

• Ka dib markaan la tashaday taageerayaashayda. Siyaasadeed.

• Ka dib markaan arkay in ay gebi ahaanba meesha ka baxday wada tashigii—wada shaqayntii  iyo istixgelintii Xisbinimo.

• Ka dib markaan arkay in Xeerarkii, qabdhismeedkii  Xisbiga UCID  ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah.

Waxaan go’aansaday in maanta oo taariikhdu tahay 06.01.2014 aan si rasmi ah isaga casilo Xilkii  aan ka hayey Xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka  Gobolada, Xilkii Guddida Fullinta iyo Xubinnimada Xisbiga  oo la ii magacaabay 12.07.2012.

Ugu dambeyn, waxaan halkan uga mahad-celiyaa dhammaan taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba wada shaqaynay muddadii aan Xilka hayey.”

Maaha markii u horreysay ee masuuliyiin xilal sare ka haya xisbiga UCID ay kaga dhawaajiyaan is-casilaad iyo inaanay ka sii mid noqon doonin xubinimada Xisbigaas, waxaana masuulkan ka horreeyey xog-hayihii Guud ee Xisbigaas Axmed-Keyse oo dabayaaqada sannadkii hore shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xisbigaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories