HomeXoghayaha Wakiillada Iyo Shaqaalaha Golahaas Oo Beeniyay War Uu Qorey Wargeyska Afka...

Xoghayaha Wakiillada Iyo Shaqaalaha Golahaas Oo Beeniyay War Uu Qorey Wargeyska Afka Xukuumadda Ku Hadla Ee Dawan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Xoghayaha guud ee golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay weheliyaan qaar ka mid ah shaqaalaha golaha wakiilada somaliland ayaa beeniyey warar laga baahiyey xoghaynta iyo hogaanka golahaasi.

Xoghayaha golaha wakiilada iyo shaqalaahan wehelinayey ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar la xidhiidha in gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland iyo xoghayaha golahaasi ay  shaqaalaha ka hawl gala golaha wakiilada ka cuneen lacagtii xaqul ciidka ahayd ee loogu tala galay.

Shir jaraa,id oo ay ku qabteen xarunta golaha wakiilada ayaa ay ku sheegee inaanu warkaasi jirin waxaanu yidhi xoghaye Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ugu horayn shirkaas ka hadlay “Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka jawaabno war ay baahisay jariirada qaranka ee Dawan  taas oo caadaysatay inay mar walba wax ka
sheegto golaha wakiilada, waxaanay sheegtay in gudoomiyaha golaha wakiilada iyo xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen xaqul ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha wakiilada, waxaanan halkan idinka cadaynaynaa miisaaniyada golaha.”

Xoghayaha golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Golaha wakiiladu waxa uu soo saarayaa jariirad la yidhaa xogsidaha golaha wakiilada, sadexdii biloodba mar ayey soo baxaysaa wiigana way soo baxaysaa waxaanay ka hadlaysaa wax qabadka golaha iyo dadka la baro dawladnimada, xafiiska maamulka ee goluhu waxa uu soo saaray hadal qoraalka doodii 2005-2015 ay ku hadleen xildhibaanada golaha wakiiladu.”

Sidoo kale Agaasimaha maamulka ee golaha wakiilada  Cabdi Ismaaciil Xawaadle   oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu ka waramay miisaaniyada golaha iyo sida looisticmaalo waxaanu yidhi “waxaan ka jawaabayaa wixii maamulka khuseeya ee arinta la xidhiidha, golaha wakiiladu waxa uu ku dhaqmaa miisaaniyadiisa sida ay wasaaraduhu ugu dhaqmaan, miisaaniyaduna waxay leedahay madax iyo madax xigeen, mushaharka,shiidaalka, ilaa wixii gunooyin ah waxay ku qoran yihiin  oo sanadka lagu tala galay  buuga miisaaniyadana waxa loo qaybiyaa 82-ka xildhibaan ee golaha,hanti dhawrka, wasaarada maaliyada iyo xisaabiyaha guud intaas oo dhan wuu yaalaa, wax qarsoon oo hoos loo dhigo maaha, wixii kharash ah ee sanadkaas ku baxaya golaha wakiilada halkaas ayey  ku wada cada yihiin.

 

Xoghaye ku xigeenka golaha wakiilada oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay inay jariiradasi raali gelin ka bixiso warka ay baahisay waxaanu yidhi “ Joornaalkani waa kii qaranka waanay nagu adag tahay inaanu ka difaacno golihii qaranka, waana been warkaasi waxaanan odhan lahaa joornaalka qaranku raali gelin haka bixiyo warkaas.”

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories