HomeXoghayaha Guud ee WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay Hagrashada Ciyaaryahannada Gobolada

Xoghayaha Guud ee WADDANI oo Xukuumadda ku Eedeeyay Hagrashada Ciyaaryahannada Gobolada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaga guud ee Xisbiga mucaaridka ee Kulmiye Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan xisbiga ayaa waxa uu ka waramay xaaladda dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciyaaryahanada gobolada Somaliland ee la soo casuumay ee badidooduna Hargeysa joogaan in la hagraday islamarkaana waxa uu sheegay in markii hore si aad fiicnayn loo maareeyay.

 

Uurcadde oo arrimahaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Xaaladda dadka guud ahaan waad la socotaanoo waxaan dadweynaha ugu baaqaynaa in ay nabadgelyadooda ilaaliyaan iyada oo xukuumaddii iyo xisbigii dalkan ka tallinayey aad aragtaan waxa ka dhex socda ee is qabqabsi iyo dhibaatooyinka ka taagan ee maalintii la doortay ilaa maanta ay dalka ku hayaan”

 

Isaga oo ka hadlaya ciyaaraha gobolada ee Somaliland islamarkaana dheegay ciyaaryahanadii gobolada ka yimid in ay xaalad dhaqaale darro Hargeysa ku haysato oo la hagarday waxaana uu yidhi “Ciyaaruhu waa wax wanaagsan oo ummada reer Somaliland u baahan tahay , waxaanu aad iyo aad uga xunnahay qaabkii loo abaabulay oo an ahayn qaab sax ah oo dhibaatooyin badan ka dhaceen dadna ku dhinteen. Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay intii soo baxday ee Hargeysa iskugu timid oo maalin walba wasiir isku dul casillayo oo hudheeladii lagu haysto oo gidaarada lagu haysto oo inta goboladoodii laga soo kaxeeyay meel ay istaagaan garan la’. Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda maanta inta ka joogta in ay iyaguna berri is casilli garan maynee in ay hawshaa inamadaa ciyaaryahankaa ee loo yeedhay ee xukuumaddii u yimid in dhibtooda iyo waxay u baahan yihiin ay kala weeciyaan oo ay hawshaa si qarannimo leh uga soo baxaan baannu ugu baaqaynaa”

 

Ugu dambayntii Mudane Uurcadde waxa uu fariin u diray shacabka islamarkaana sheegay in uu uga ducaynayo sharka Kulmiye ee isqabqabsigooda waxaana uu yidhi “ILLAAHAY Nimankaa is haysta sharkooda ha innaga duwo, shacabkana waxaannu ugu baaqaynaa in aannu nin siyaasi dantiisa ku qumisto. Waxaannu ummadda u sheegaynaa Kulmiye waxa ka soo baxaya waad arkaysaan kuwa soo socdaana inay heshiin garan maynee waxaannu ummada ku leenahay ka taxadira”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories