HomeXoghayaha Guud ee SOLJA oo Ka Warramay Rejada uu Ka Qabo Inuu...

Xoghayaha Guud ee SOLJA oo Ka Warramay Rejada uu Ka Qabo Inuu Saxaafadda Somaliland Taageero uga helo Shirka Midowga Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost) – Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed faarax oo magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirka midawga Afrika ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu taageero iyo tobabaro uga helo Suxufiyiinta Somaliland dawladaha Afrikaanka ah iyo dumlamaasiyiinta waddamada deeqbixiyayaasha ah ee ka qayb galay shirkaas.

Maxamed Rashiid oo maanta saxaafada ugu waramayay  xarunta midawga Afrika ee shirku ka socday ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Shirkani wuxuu muhiimad noogu leeyahay urur ahaan ololaha aanu dhexdiisa ugaga jirno inaanu fursado uga helo cid naga caawisa waxbarashada iyo tobobarada weriyayaasha reer Somaliland  oo mudadaa sanadka iyo dheeraadka ah ee aanu xilka hogaanka Solja haynay aanu waynay cid naga caawisa afartameeyo weriye oo jaamacada Hargaysa qorshuhu ahaa inay ku bartaan xirfada saxaafada ee masaafada fog, “Distance learning’ oo jaamacad Maraykan ahi bixinayso casharadda. taas  oo sanadkii horena  na dhaaftay markaanu kharashkaa cid naga taageerta u wayanay  sanadkana bisha 2-aad ee Febaury badhtamaheeda bilaabmaysa oo haddii aan kharashkeeda la helin  ina dhaafaysa iyo kharashka labaatan weriye  oo aanu filaynay in loo dirno dalka Kenya ee aynu jaarka nahay oo  aanu kala xidhiidhnay shirkada caalimaga ah ee Maxamed Foundation,.

maxamed rashiidSidoo kale, waxaa qorshuhu ahaa oo aanu dedaal ugu jirnay in xarun warbaahineed (Media center )in loo helo weriyayaasha Somaliland cid u dhista oo kharashkeeda inaga bixisa si ay ugu fududaato helida tobobarada iyo gudashada waajibaadkooda shaqo. Ta kale, maadaama oo xadhiga weriyayaasha Somaliland uu aad u sii kordhay labadadii sano ee u danbeeyay waxaanu isku hawlaynay sidii aanu u heli lahayn  cid weriyayaasha Somaliland ka taageerta dhinaca kharashka looyarada iyo kharashka sii dayntooda weriyayaasha gaar ahaan kuwa gobolada si  xuquuqdooda Loo difaaco. Dhamaan baahiyahaas taageeridooda UN-ta iyo deeq bixyayaashaba wakhti hore  ayaanu ka codsanay oo weli  waxba noogama hirgalin xitaa qolyahoodii balan qaadyada noo sameeyay oo aanan ilaa hada garan Karin waxa xanibay amaba hor is taagay. Balse, arrimahaas waxaan rajo wayn ka qabnaa inaanu fursad uga heli karo dawladaha Afrikaanka ah ee madaxdoodu shirkan kasoo qayb galayso.

Dhinaca kalana, waxaan u mahad naqayaa ururka Suxufiyiinta ee Journalists for African Renaissance (JAR) oo Muha Daahir Faarax Jire gudoomiye ka tahay, kaas oo ururka Solja u sahlay inaanu shirkan ka soo qayb galo.” Sidaas Ayuu hadalkiisii kusoo xidhay xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories