HomeXoghayaha Dib U Dajinta Xisbiga Waddani Oo Golaha Wakiilada U Soo Jeediyay...

Xoghayaha Dib U Dajinta Xisbiga Waddani Oo Golaha Wakiilada U Soo Jeediyay Xeerka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka In Wax ka Badal Lagu Sameeyo Si Maayarada Loola Xisaabtamikaro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Xoghayaha dib u dajinta xisbiga Waddani Jaamac Maxamuud Hilaac ayaa golaha wakiilada u soo jeediyay inay ajandahooda ku soo darsadaan in wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka maamulka gobalada iyo degmooyinka dalka, si loola xisaabtami karo maayarada iyo golayaasha deegaanka ee dalka.

xoghaye Jaamac Hilaac waxa uu soo jeediyay in cod haldheeri ah xilka lagaga qaadi karo maayarka iyo ku xigeenkiisa, isla markaasna golayaasha deegaanka la kala diri karo hadii loo arko in aanay wax qabad lahayn.

waxaan isaga oo warbaahinta masuulkani la hadlaayay uu yidhi “Waxaanu golaha wakiilada u soo jeedinaynaa inay ajandahoodan furmay ku soo darsadaan xeerka maamulka gobalada iyo degmoohyinka oo u baahan in wakhtigan lagu sameeyo isbadal iyo kaabis, xeerkan oo 2002-dii la sameeyay oo horena shan goor wax ka badal iyo kaabis loogu sameeyay waxa uu u muuqdaa mid aan wakhtigan xaalada adag ee ka taagan dawladaha hoose waxba ka tarayn, gaar ahaan degmooyinka A iyo B, si degmooyinka dalka loogu sameeyo dawlado hoose oo daboolikara baahyaha looga baahan yahay, waxa muhiim ah in xeer la dabaqikaro loo sameeyo oo dib loogu noqodo xeerkii hore.”

xoghayaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“tusaale ahaan qodoba 66-aad ee xeerkaasi waxa uu sheegayaa qaabka loo badali karo maayarka iyo ku xigeenka, oo ah cod sadex meeloodow laba meelood ah, taas oo ku adkaysay golayaashii deegaanka inay maayarkii badali karaan hadii waxii loogu talo galay uu qaban waayo, waxaan soo jeedinayaa in maayarka iyo kuxigeenkiisa lagu soo celiyo cod haldheeri ah in xilka lagaga qaadi karo. sida oo kale waxa u baahan in dib loo eego qodobka 29-aad oo isaguna caqabad ku ah in la kala diri karo golayaasha deegaanka hadii ay qaban waayaan waxii loo doortay, waxaanu qorayaa in 5000 cod degmooyinka A iyo B ay dadku ku badali karaan, taas oo aad u adag, golaha wakiilada oo ku mashquulsan xeerarka dawlada dhaxe waxaan u soo jeedinayaa inay dawladaha hoose u soo jeestaan si horumar loo heli karo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories