HomeXoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera oo koob ka guddoomay ururka Khayr iyo...

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera oo koob ka guddoomay ururka Khayr iyo Barako ee dalka Finland + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

GGGLGBerbera, (SLPOST) —Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa xalay Koob ka Guddoomaym Guddoomiyaha ururka Khayr iyo Barako oo xaruntiisu tahay dalka Findland.

Munaasibadda uu Xoghayuhu koobka kula wareegay oo ka dhacday Xafiiska Xoghayaha ee dawladda Hoose waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee dawladda Hoose ka koobantahay.

Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ururkooda oo ka diiwaangashan dalka Findland uu ka shaqeeyo taakulaynta dadka tabaalaysan ee Somaliland, islamarkaana ay hore deeqo kala duwan u soo gaadhsiiyeen dalka.

“Ururkayagu waa mid samo-fal, waxaannu hore dalka u soo gaadhsiinay deeqo kaa duwan, imikana waxaa jirta deeq maryo ah oo aan ugu tallo-galay dadka baahan ee Somaliland, oo dhawaan dalka soo gaadhi doonta, annagoo markay timaado idinku wareejin doona wixii aanu idiinkaga tallogalay.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre.

Guddoomiye Xasan waxaa uu ballanqaaday inay si gaara dawladda Hoose ugala shaqayn doonaan sidii ay uga caawin lahaayeen qalabka ciyaaraha .

BBB-768x432 (1)

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay jiraan mucaawimooyin uu ururku ugu tallogalay dawladda Hoose ee Berbera oo siin doonta dadka baahan oo dhawaan si dhakhso ah u soo gaadhaya dekedda Berbera, waxaannu intaa ku daray in ay dhawaan dalka yimaadeen isaga iyo Guddoomiye-ku-xigeenka ururka Cabdillaahi Shamaxle Cilmi oo dub ugu laabtay dalka Findland.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Baraki Xasan Cumar Hurre koobka uu soo gaadhsiiyay iyo deeqaha kale ee soo socota, islamarkaana ay tani bilow u noqon doonto xidhiidh wacan oo dhexmara dawladda Hoose iyo Ururka Khayr iyo Barako.

“Waanu idiinka mahadcelinaynaa deeqda aad na soo gaadhsiiseen, waanaan idinka filaynaa inaad sii wadaan caawimada kala duwan ee bulshadiina aad ugu tallogasheen.” sidaa waxa yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Cabdikariin Aadan Siciid.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories