HomeXoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpoat)-Xoghayaha cadaalada dhawaan loo magacaabay ee xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xilka xisbigiisu uu u magacaabay, waxaanu daboolka ka qaaday in xilkaas uu ku dadaali doono iinuu sidiisa u gudo.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta bushadadu ku xidhiidho ee Facebook iyada oo dhamays tiran waxa ay u dhignayd sidan.
Magacaabista Xilku maaha mansab ee waa Masuuliyad culeyskeeda leh

Alle swc waxaan ka baryayaa inuu ii fudeydiyo masuuliyada culus ee miisaankeeda laga arki karo magaceeda oo ah Xoghaya Caddaaladda iyo Arimaha garsoorka ee xisbiga waddani Alle ayunbaa caddaali ah oo caddaalada loo wada ooman yahay sugi kara balse taydu waxay noqon doontaa tilmaamid iyo toosin cid kasta oo caddaalad darro sameysa iyo cidda caddaalad darrada lagu sameeyo oo codkooda cidda ay khuseyso la gaadhsiyo iyadoo sanadka 2016 ay la kowsatey magacaabistanii.
Marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhamaan madaxda, maamulka iyo masuuliyiinta xisbiga waddani gaar ahaan Gudoomiyaha Xisbigigaas Mudane: C/raxmaan Cirro magacaabista ay ii magacaabeen xilkan iyadoo ay jiraan dad badan oo aqoon, awood, iyo amaano badan oo ku jira xisbiga haddana waxay u muuqataa un in qadarka Alle aniga la ii magacaabo.
waxaan si mug iyo miisan leh ugu mahadcelinayaa dhamaan dadka qiimaha iyo qadarka muga leh agteyda ka gooya igu taageera qofnimadeyda balse aan igu qiimeyn qabiilkeyga iyo qabyaalad midna. qeybaha kala duwan ee bulshada somaliland intooda aanu tooska u wada xidhiidhno iyo intooda qalbiyada aanu ka wada socono ee waayaha nololeed iyo waaqica siyaasadeed na kala leexiyey, cid kasta oo igu hambaleyeysay xilkan magacooda ma wada magac dhabi karee aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinyaa dhamaantiin.

Waxaan Alle ka baryayaa inuu iga yeelo masuul u adeega daryeelka bulshada iyo danta guud gaar ahaan gaadhsinta codka danyarta cid masuuliyada dalku saaran tahay iyadoo cid kasta oo caddaalad darro ka cabata aan ugu hiilin doono mansabka aan hayo iyo magacaygaba Insha Allah. Alle caddaaladii cumar oo kale ha ina waafajiyo.

waxaan si toos ah ula shaqeyn doonaa waaxda garsoorka gaar ahaan gudoomiyaha maxkamada sare oo ah shaqsi ku suntan hogaamin wanaagsan iyo hufnaan shaqo muddii xilka uu hayey iyadoo lix sanno uu ahaa macalinkeyga sharciga.

Waxaa hubanti ah iney dalka ka jirto xatooyo baahsan oo xoolihii ummadda ah, musuq maasuq, qabyaalad, qaraabo kiil iyo qeyb qeybin qarannimo oo ay horseed ka tahay xukummadda xurmo daran ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane, Madaxweyne Axmed Maxamaed Maxamud Silanyo xaqa ha waafajiyo macaanjecesha mansabkiisi iyo magaciisi dalka iyo dadba ku liqayna Alle ha ka qabto.

Somaliland guul iyo galad eebe Gobey lico ha jabin

Xoghaya Caddaalada Xisbiga Waddani

Garyaqaan Barkhad Jama Xirsi Batun.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories