HomeXoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID oo Xorriyaddiisa dib u helay

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID oo Xorriyaddiisa dib u helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa maanta xorriyaddiisa dib u helay kaddib muddo dhowr todobaad ah oo ku xidhnaa Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa.

blankSidaasna waxa xaqiijiyey Xoghayaha Warfaahinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse oo boggiisa Facebook ku baahiyey in dammaanad lagu sii daayey Xoghaye Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo muddo 36 Caano-maal ah ku xidhnaa Xarunta CID-da ee Hargeysa.

Xoghaye Ramaax ayaa Xabsiga loo taxaabay 26-kii bishii December ee sannadkii hore kaddib markii uu Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax hay’adaha sharciga u gudbiyey dacwad ka dhan siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan oo uu ku eedeeyey inuu hadallo sharaftiisa dhaawac geysanaya ka sheegay warbaahinta, sababtaas awgeedna looga yeedhay xarunta ciidanka dambi-baadhista oo uu ilaa wakhtigaas ku xidhnaa.

Haseyeeshee, Guddoomiye Baashe oo maalmo kaddib la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay inuu xafis u fidiyey isla markaana dambigii uu u haystay ka saamaxay Mr Ramaax kaddib markii ay u yimaaddeen odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda beeshiisa oo uu ka aqbalay balse uu ku xidhay shuruud ah inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkaas.

Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa noqonaya masuulkii Saddexaad ee Xukuumaddu ka xidho Xisbiyada Mucaaradka ah muddo laba bilood gudahood ah, waxaana ka horeeyeyXoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Xisbigaas Barkhad Batuun oo muddo toddobaaddo ah ku xidhnaa Xabsiga Mandheera.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories