HomeXog-warranka Qoreyaasha iyo Maalinta 2aad ee Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa

Xog-warranka Qoreyaasha iyo Maalinta 2aad ee Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa is habsami ah uga socda Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa oo galay maalintii labaad, waxaana maanta fursad u helay inay hal-abuurkooda soo bandhigaan Qoreyaal da’yar.

Qoreyaashan ayaa qaarkood mar kale fursad u helay inay buugtooda ku soo bandhigaan Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa oo ay hore uga soo qayb-qaateen halka qaarkoodna markii u horeysay buugaag ay qoreen ku soo bandhigay Carwada caalamiga ah Buugaagta Hargeysa

Masraxa Xarunta Dhaqanka Bee Hargeysa ee lagu marti-qaaday qoreyaasha oo ay daadihinaysay Hoodo Maandeeq, waxa lagu soo bandhigay, laguna faaqiday Buugaagta Samotalis, Maan Rag Aragtaye Maskax Dumar Dhawr iyo Miisaanka Maansada oo uu qoray Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, Buugga Haleelo oo uu qoray Jaamac Karaash, Buugga Kasmo-kaab oo uu qoray Fu’aad Booska.

Waxa ay qoreyaashu si qoto-dheer u sharraxeen mucda, miisaanka iyo micnaha ay xambaarsan yihiin bugaagta ay qalinka u qaateen, waxaanay sharraxeen ahmiyadda ay bulshada u leeyihiin. Qoreyaasha oo hadalka si talan-taali ah u wadaagayey, waxa ay xuseen caqabadihii ay kala kulmeen qorista buugaagtooda oo ay ka mid yihiin raadinta xogaha, waqtiga iyo samirka.

Ugu dambeyntii, waxa ay bulshada ku dhiirigelinayeen inay xoogga saaraan horumarinta afka Soomaaliga iyo akhriska buugaagta.

Masraxa Martida Bandhigga 16aad ee Buugaagta Hargeysa oo uu daadinayey Cadnaan Qabyo-tire, waxa kale oo gelinkii dambe ee maanta lagu soo dhaweeyey Qoreyaal da’yar oo Buugaag ay qoreen markii u horeysay ku soo bandhigay Carwada 16aad ee Buugaagata Hargeysa, waxaanay qoreyaashan ka mid ah Mubaarik Cabdi Siyaad oo qoray buugga Hiigsi iyo Hoggaamin iyo Xamda Siciid Cabdiraxmaan oo qortay buugga Fagaare.

Labada qoraa waxa ay si xeel dheer u qaadaa-dhigeen Micnaha ay xambaarsan yihiin Buugaagta ay qoreen, ujeeddada ay u qoreen iyo sababaha ku dhaliyey in ay Qalinka u qaataan,

Xamda Siciid Cabdiraxmaan Qoraaga Buugga Fagaare ayaa si dareen leh uga hadashay dhawr mawduuc oo buuggeda xambaarsan yahay, waxayna bulshada ku boorisay akhriska, qoraalka iyo dhuuxidda hadalka.

Dhankiisa, Mubaarik Cabdi Siyaad, ayaa sharraxaad ka bixiyey ahmiyadda uu xambaarsan yahay buuggiisa Hiigsi iyo Hoggaamin, isagoo ku dheeraaday saamaynta balwadda Qaadku ku leedahay nolosha iyo siyaabaha togan ee looga gudbi karo.

Sannad kasta, waxa Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigaa buugaag tiro badan oo ay qoraan dhalinyaro aan inta badan fursad u helin inay ku dhiirradaan ama soo bandhigaan hibooyinka hal-abuur ee ay u leeyihiin qoraalka, iyagoo fursad u hela inay Dhaqaale ka sameeyaan qoraalka buugaagtooda oo lagaga iibsado Bandhigyada Buugaagta Hargeysa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories