HomeXog-warranka Murashaxiin Dhacday oo soo bandhigay Sababihii Keenay Guul-darradooda + Heshiis Dhexmaray...

Xog-warranka Murashaxiin Dhacday oo soo bandhigay Sababihii Keenay Guul-darradooda + Heshiis Dhexmaray Dilaal iyo Murashax Cod-doon ah (Warbixin laga diyaariyey doorashadii Golaha Deegaanka)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Warbixin Macadka Rift Valley Institute oo arrimaha Dimuqraadiyadda ka shaqeeya ka diyaariyey doorashooyinkii Golaha deegaanka ee Somalilandka dhacay sannadkii 2012-dii, ayaa lagu soo bandhigay qorshe ay adeegsan lahaayeen oo u saami lahaa inay soo baxaan laba musharax oo ku guuldaraystay doorashooyinkaas.

Warbixintan oo hay’adu soo saartay dhammaadkii bishii June ee sannadkan, ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha ugu badan ee musharaxiintu ku bixiyeen ololihii doorashadaasi uu ahaa Qaadka. Warbixinta ayaa lagu soo qaatay waraysi lala leeyahay murashaxiin isu taagay tartanka goleyaasha deegaanka magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo aan magacadooda la xusin balse loo soo qaatay Laba Xaraf oo lagu kala suntay. Waxa kale oo warbixinta lagu waraystay nin Dillaal ah oo murashaxiinta kula heshiiyey soo-xero-gelinta dadka u codeynaya.

Somaliland ElectionWareysi lala yeeshay musharax ku guuldarastay doorashadii goleyaasha deegaanka 2012 oo ka sharaxnaa gobolka Togdheer, ayaa sheegay in caqabadahii ugu weynaa ee soo waajahay ka mid ahaayeen dhinaca dhaqaalaha, dhinaca reerka iyo ballan-furka dadkii u codeynayey oo kaga baxay.

“Dhaqaalahii aan ololaha ku gelayey dhinacyo badan ayaan ka helay, balse waxaa iga baxay in ka badan intaan qorshaystay. Waxaan u qorsheeyey $ 20,000 balse waxa igaga baxday $29,000 (Sagaal iyo labaatan kun oo Dollar) oo ay ku jirtay $ 9,000 (Sagaal Kun oo amaah ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Murashaxan oo aan magaciisa lagu soo qaadan warbixin.

Musharaxa ayaa sheegay inuu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyey Qaadka oo uu sheegay inuu Aaminsanaa waxa kaliya ee uu taageerada kaga heli karayey shacabka inuu ahaa intooda Isticmaasha balwadda QAADKA, balse waxa uu qiray inuu go’aankaas ku qaldamay, “Dhaqaalaha ugu badan waxaan ku bixiyey qaadka, waxaan ku guul-daraystay 200 cod, haadaan 50 qof gawaadhi ugu qaadi lahaa Afar goob-codeyneed waan guulaysan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Murashaxani, isagoo intaas ku daray, “waxay ahayd inaan badiyo dhaqaale gaadiidka dadka lagu qaado meelaha miyiga badiyo oo marba goob codeyneed aan ku geeyo.”

Warbixinta Rift Valley ayaa sidoo kale lagu qoray wareysi lala yeeshay haweenay ka sharaxnayd gobolka Maroodi-jeex oo ku guuldaraysatay doorashadii goleyaasha deegaanka ee daba-yaaqada sannadkii 2012-kii ka dhacday Dalka.

Haweenaydan oo ayaa sheegtay inay musharaxnimadeedii ku kala jabeen reerka ay ka soo jeedday isla markaana cidda ugu badan ee ka soo horjeesatay ahaayeen dhalinyarada oo sheegay inay sharaf-dhac ku tahay inay haweenay musharax u noqoto.

“Ololahii doorashadayda waxaan iibiyey guri aan lahaa, dad aanu qaraabo ahayna dhaqaale ayey igu caawiyeen, waxaan u qorsheeyey inaan $10,000 ku bixiyo balse saddex laab ayuu noqday dhaqaalahii igaga baxay, laakiin wakhtigii aan ogaaday iima suurtoobayn inaan ka hadho doorashada.”

Haweenaydan ayaa sheegtay in dhaqaalaha ugu badan ay ku bixisay uu ahaa qaadka dadkii u codeynayey, balse waxa ay qirtay inay ku qaldantay arrintaas. “Fursad kale hadaan helana, waxaan dhaqaalahayga bixintiisa bilaabi lahaa usbuuca ugu dambeeya ololaha doorashada,” ayey tidhi haweenaydan magaceeda la qariyey.

“Guud ahaan waxaan u arkaa khalad in dhaqaale lagu bixiyo ololaha, balse musharaxiinta ayaa u kala dheeraynaya, oo haddii mid bixin waayo kuwa kale ayaa bixinaya, markaa sabab aad uga hadho ma jirto.”

Wareysi hay’adda Rift Valley la yeelatay nin dilaal ah oo Murashax ay Isku beel yihiin heshiis kula galay inuu u keeno dad u codeeya doorashadii Golaha Deegaanka ee sannadkii 2012-kii ka dhacday dalka, ayaa sharraxay xaddiga lacagta lagu heshiiyey.

“Musharax reerkayaga ah ayaa iga codsaday inaan codad u raadiyo, waxaan kula heshiiyey $6,000. Ka dibna waxaan bilaabay hawshii inaan la kulmo odeyaasha reerka ugu cadcad iyo dadka saamaynta leh.

Lacagtii waxaan u qeybiyey siddeed qof ugu muhiimsanaa oo $300 ilaa $2,000 aan kala siiyey, hawshooduna waxay ahayd inay saxeexaan qoraal ay ku taageerayaan musharaxa, warbaahintana ka sheegayaan inay taageersan yihiin oo ay kala qeybgelayaan ololeyaasha,” Sidaas ayuu sheegay ninkan oo isagana magaciisa la qariyey.

“Musharaxii aan u shaqeynayey wuu ku guuldaraystay doorashadii sababao badan oo ay ka mid ahayd in musharax kale iyo Dilaalkiisa oo naga dhaqaale badnaa ay masaxayeen qorshe kastoo aanu dhigano.”

Warbixinta Rift Valley, ayaa lagu sheegay in Dhaqaalahii ku baxay doorashadii goleyaasha deegaanka ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2012 lagu bixiyey Dhaqaalihii ugu badnaa abid lagu bixiyo doorashooyinkii ka dhacay Somaliland.

Doorashadii deegaanka 2012 ayaa la sheegay in beesha caalamku ku bixiyeen 8,826,480 (Siddeed Milyan, Sideed Boqol labaatan iyo Lix kun, Afar Boqol iyo Siddeetan Dollar) halka xukuumada Somaliland bixisay $2,200,000 (Laba Milyan iyo Laba Boqol oo Kun), isla markaana ay codkooda dhiibteen dad lagu qiyaasay 820,160 qof oo marka dhaqaalaha loo qeybiyo dadka codeeyey qof walba ku soo hagaagayso 13.44 dollar.

@Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories