HomeXog-warranka 12 ka tirsan 20 Kalluumaysato ah oo farsamo Khiyaamaysan loogu soo...

Xog-warranka 12 ka tirsan 20 Kalluumaysato ah oo farsamo Khiyaamaysan loogu soo tahriiyey Somaliland iyo Maamulka gobolka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera/Karachi (SLpost)- Maamulka iyo Laamaha Ammaanka ee gobolka Saaxil, ayaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey hadal-hayntooda laga dareemay meelo badan oo adduunka ka mid ah, taas oo la xidhiidha kalluumaysato u dhalatay dalka Pakistan oo sheegtay inay dhibbaneyaal u ahaa fal-dambiyeedka ka-ganacsiga bani’aadamka, loona soo afduubay dhinaca magaalada Berbera.

1aadLabaatan Qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo la sheegay todobaadkii hore inay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Berbera ka dib markii diyaarad laga soo saaray magaalada Dubai, ayaa sheegay in qaab afduub ah looga keenay dalkooda, ka dib markii loo sheegay in shaqo la siinayo shirkad Kalluumaysi oo uu leeyahay ganacsade Carab ah oo Fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga, balse markii la keenay magaalada Berbera, sida ay sheegeen qaar ka mid ah raggan oo markii ay ku laabteen dalkooda u warramay jariiradda DAWN oo ka soo baxda magaalada Karachi ee dalka Pakistan.

Sida lagu baahiyey jariiradda DAWN, 12 ka mid ah raggan oo maalinta Sabtida ee todobaadkan ku laabtay dalkooda, ayaa ka sheekeeyey dhacdadan oo ay ku tilmaameen nooc ka mid ah Ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Bani’aadamka, halka ay ka sheegeen in siddoodii kale wali lagu hayo Meesha Berbera.

Haseyeeshee Badhasaabka Saaxil iyo Taliyaha Qaybta booliska, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka dhacdadan oo ay sheegeen inaanay jirin shaqaale u dhashay Bakistan oo la keenay magaalada Berbera, in kasta oo arrintan hadal-hayteeda laga dareemay magaalada Berbera.

Badhasaabka gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo khadka telefonka arrintan wax kaga weydiiyey xalay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay jiraan shaqaale u dhashay Pakistan oo la keenay gudaha Berbera.

“Wax gobolka ku sheegayana ma arag wax Baakistaaniyiin ah oo yimi, aniguna sidii aan u imi maalinna gobolka kama bixin,” ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil. Waxa uu intaa raaciyey, “Ka masuul ahaan , waxaan kuu sheegayaa inaanay waxba ka jirin shaqaale Baakistaaniyiin ah oo halkan la keenay oo lagu dhex-garaacay masaajid, arrintaasi waa barobagaandho kale, waa beentood, wax dhacayna maaha haba-yaraatee,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Saaxil oo sidoo kale sheegay inuu arrintan maanta kaga hadli doono shir-jaraa’id.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Saaxil Cabdi Cali Xayd oo Himilo wax ka weydiiyey inay jiraan Shaqaale u dhashay dalka Pakistan oo ku xidhan gudaha magaalada Berbera iyo wax uu kala socdo dhacdadan, ayaa ku jawaabay, “Waxaan kuu caddeynayaa inaanay jirin cid ajaanabi ah oo ku xidhan saldhigyada booliska Berbera. Wixii Ajaanib ah laanta socdaalka ayaa shaqo ku leh, wixii fiise iyo sharci dalka ku jooga, annagu ma faro-gelinno oo ammaankooda ayaanu ilaalinnaa oo meelaha Kaarantaroollada ah kuwa aanu ku aragno, ayaanu raacinnaa ciidan ammaankooda ilaaliya, ama qofka wada ayaanu talooyin siinnaa. Laakiin wixii dambi gala waa halkeeda, wax dambi galay oo lanoo keenayna ma jiraan. Arrintaas iyada oo boolis ah oo ka hawl-galay ma jirto haba yaraatee,” ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Saaxil.

badhasaabka saaxilIn kasta oo masuuliyiinta gobolku sheegeen inaanay waxba ka jirin arrintan, haddana qaar ka mid ah Shaqaalaha u dhashay dalka Pakistan oo markii ay dalkooda ku noqdeen u warramay jariiradda DAWN oo ka soo baxday magaalada Karachi, ayaa sheekeeyey qaabkii ay ku yimaaddeen Berbera oo ay ku tilmaameen af-duub meel lagaga dhacay xuquuqdooda.

“Annaga oo u aragnay inay tahay Fursad Shaqo oo aanu ka helayno lacag noloshayada daboolaysa, ayay noola muuqatay xayaysiiska lagu baahiyey Wargeyska oo lagu sheegay in la doonayo Kalluumaysato ka shaqayn doonta dalka Sucuudiga. Markii aan arkay, waxaan istusay haddii aan helo shaqada inaan awood u leeyahay inaan Cumrada gudan karo. Laakiin, halkii aan ka eegayey inaan tagayo Dhulkii Barakaysnaa, waxa lanaga dejiyey Soomaaliya,” sidaa waxa jariiradda DAWN u sheegay Feroze Bhatti ka mid ah labaatan Kalluumaysato u dhalatay dalka Pakistan oo sheegtay in laga dejiyey magaalada Berbera, welina ay ku hadhsan yihiin 8 ka mid ah, in kasta oo masuuiyiinta laamaha ammaanka Gobolka Saaxil ay beeniyeen jiritaanka warkan.

Bhatti oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Sheekadayadu waxay ka bilaabmatay markii aanu codsi u xeraysannay xayaysiis lagu baahiyey jariiradda Urdu. Waxay noo sheegeen inaanu u shaqayn doono shirkad uu leeyahay nin Sucuudi ah. Markii aanu u diyaar-garownaynay inaanu Sucuudiga tagno, Fiisayaashii la noo soo sameeyey waxay ahaayeen qaar booqasho loogu talo-galay, may ahayn fiisayaal shaqo. Laakiin, shirkadda TARIQ ee halkan u qaabilsanayd waxay noo sheegtay in wax kasta lagu dhamaynayo markaanu tagno Dubia.”

“Markii aanu Dubai gaadhnay, waxa lanaga qaaday Baasaboorradayadii, waxaana lana saaray diyaarad u socotay Berbera, Somaliland. Kuwii kale ee meesha nala joogay ismay af-garan in kasta oo ay garanayeen luuqadaha Carabiga iyo English, intayada badani waxaanu ahayn Dad xoogsato ah oo aanu wax aqoon ah lahayn, laakiin anigu waan fahmi karayey. Waxaan dalbaday inay ii sheegeen sida ay wax yihiin maxaa yeelay waxay u muuqatay inaanu dhibbaneyaal u ahayn Fal-dambiyeedka Ka-ganacsiga Bani’aadamka,” ayuu yidhi.

Raggani waxa ay dhacdadan masuuliyaddeeda dusha ka saareen oo iska kaashaday, Shirkad wakaalad ahaan ugaga hawl-gashay gudaha dalka Pakistan oo lagu magacaabo TARIQ iyo Nin ganacsade Soomaali ah oo aanay magac-dhabin.

“Shirkadda TARIQ oo u qaabilsanayd diiwaangelinta oo noogu timi tuulooyinkayagu waxay naga qaadeen Rs80,000, lacag intaas le’egna maanaan haysan, qaar naga mid ahina waxay iibiyeen dahabkii xaasaskayaga, qaarkoodna lacagay soo ammaahdeen,” Sidaasna waxa yidhi Mohamed Aadan oo ka mid ah Kalluumaysata dhibatani ku dhacday oo jariiradda DAWN u warramay, isaga oo intaas raaciyey, “Waxa laysheegay in shirkaddii aanu shaqada ka dalbadanay ay nagu wareejisay nin ganacsade Soomaali ah.”

Mr Bhatti oo la weydiiyey sababtay ay saaxiibbadooda kale uga hadheen safarkooda waxa uu yidhi, “Waxay ka baqayaan inay iska celiyaan kuwa ay u afduuban yihiin, sidaasaanay noo soo raacin.”

Nimanka sheegty in loo soo tahriibiyey Somaliland, waxa ay sheegeen inay qoysaskooda la xidhiidheen muddo laba maalmood ah oo ay ku jireen masaajidku hoy u ahaa, halkaasna ay kula xidhiidheen nin u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bani’aadamka oo ka hawl-gala deegaamadii ay ka yimaadeen ee dalka Pakistan.

“Immika markii aanu halkan soo gaadhnay shirkadda TARIQ ee wakiilka ahayd waxay noo sheegtay inay heshiis la gashay shirkad Kalluumaysi oo Soomaali leedahay,” sidaas waxa yidhi Mohamed Jamil oo ka tirsan raggan,” ayuu yidhi Bhatti.

Dhacdadan oo lagu baahiyey warbaahinta caalamka, isla markaana nooqonaya markii ugu horeysay ee nooceedu ka dhacdo Somaliland, ayaa haddii jiritaankeedu xaqiiq noqdo fadeexad iyo magac-xumo u soo jiidaysa Somaliland, waxaana looga baahan yahay hay’adaha ammaanka iyo cid kasta oo ay khusayso inay baadhitaan ku sameeyaan isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta oo tuhunkeedu galo, si daboolka looga qaado xaqiiqada dhabta ah ee jirta iyo cid kasta oo ka dambaysay.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories