HomeXog ku Saabsan Baabiintii Hay’addii Waddooyinka Somaliland ee SRA

Xog ku Saabsan Baabiintii Hay’addii Waddooyinka Somaliland ee SRA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

xogSida uu dhowaan wasiirka madaxtooyadu ka sheegay fadhigii baarlamaanka dhexdiisa taladii lagu baabiiyey Hay’addii wadooyinka Somaliland ee SRA la odhan jiray waxa ka danbeeyey seddex nin oo kala ah Axmed Cabdi Xaabsade, Maxamed Shukri Jaamac iyo Inj.Faarax Xuseen oo dhamaantood ka mid ahaa gudidii wadooyinka oo ka koobnaa 11 xubnood.

Waxa dadweynuhu weli is weydiinayaa sababta ku kaliftey seddexdaa nin in ay taladaa qaran dumiska ah soo jeediyaan ee ay uga talo qarsadeen 8-dii xubnood ee kale ee guddida kula jiray. Baadhis dheer ka dib waxa ii suura gashay inaan soo helo xogihii rasmiga ahaa ee seddexdaa nin mid walba ku kaliftay taladaa qaloocan.Seddexdaa nin mid waliba si gooni ah ayuu taladaa qaloocan usoo jeediyey, markaa bal aynu eegno waxa mid walba kalifay:

1.      Axmed Cabdi Xaabsade:

Waa wasiirkii hore ee  hawlaha guud. Ninkani markii laga dhigay wasiirka hawlaha guud wuxuu markiiba bilaabay sidii uu hay’adda wadooyinka oo ahayd hay’ad madax banaan uu uga dhigi lahaa mid ka mid ah waaxyaha wasaarada si uu awood ugu helo gargaraaca iyo gacan togaalaynta dakhliga yar ee loogu tala galay dayactirka wadooyinka ee hay’adu gacanta ku haysay. Laakiin damacaasi wasiirka wey u suura geli weydey sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

2.      Maxamed Shukri Jaamac:

Ninkani waa gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ee iminka jooga, waxa kale oo uu leeyahay bakhaar iibiya qalabka dhismaha, waxa kale oo uu leeyahay shirkad dhismaha guryaha qaabilsan oo la yidhaa Daryeel.

Sababta marka horeba uu ninkani gududa usoo galay waxay ahayd inuu qandaraasyada dhismaha wadooyinka iyo biriishyada ee hay’addu bixiso uu sifo aan sharci ahayn ku helo, iyo in qalabka dhismaha ee hay’addu u baahato laga iibsado bakhaarkiisa.Laakiin damacaasi wuu u suura geli waayay intii uu gudida ku jiray sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

3.      Inj.Faarax Xuseen:

Waa injineer burco degan oo leh shirkad dhismaha qaabilsan.Sababta marka horeba uu ninkani gududa usoo galay waxay ahayd inuu qandaraasyada dhismaha wadooyinka iyo biriishyada ee hay’addu bixiso gaar ahaan kuwa laga fulinayo gobalada bari ee dalka in isagu uu sifo aan sharci ahayn ku qaato oo keligii fuliyo. Laakiin damacaasi isagana wuu u suura geli waayay intii uu gudida ku jiray sababtoo ah xeerkii hay’adda u yaalay ayaa talaabadaa oo kale diidanaa. Sidaa daraadeed wuxuu talo ku gaadhay inuu hay’adda baabiiyo maadaama aanay u suura gelayn damaciisu.

Sidaa daraadeed sida xogtaas kor ku xusan inooga muuqata seddexdaa ninba markii damacoodii shakhsiga ahaa ka dhex waayeen hay’adda ayay taladaa qaloocan ee qaran dumiska ah soo jeediyeen. Hadaba maadaama ay seddexdooduba ka mid ahaayeen guddi 9 xubnood ah Waxa habooneyd in 8-dii xubnood ee kale iyo dadweynaha kale ee aqoonta lehba wax la  weydiiyo oo talada aad loo ruugo lana eego khasaaraha ay keeni karayso baabiinta hay’ad xidhiidh fiican la leh beesha caalamka oo hawl mihiim ah dalka u haysa.

Sida iminka wararku sheegayaana lacag gaadhaysa ilaa 200 million$ ayaa dalka kaga luntay oo kaga leexatay talaabadaa lagu baabiiyey hay’addii wadooyinka Somaliland oo runtii la odhan karayey waxaabay ahayd hay’adda keliya ee Somaliland ka jirta ee beesha caalamku aqoonsan tahay.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “caano daatay dabadood la qabaye”, waxa la gudboon madaxda dalka ee hada talada dalka gacanta ku haysa inay qaladkaa dhacay saxaan oo la sameeyo haykal iyo hanaan wacan oo hay’adda wadooyinku u shaqayn karto oo dalka iyo dibedaba raalin gelin karta si loo helo kaalmo caalami ah oo dalkeenan curdinka ahi u baahan yahay si loo gaadho horumarka ay hiigsanayno.

Qore:

Eng.Maxamed Nuur Aaye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories