HomeXOG IYO XAQIIQO: Waa Been In Dadka Hargeysa Loo Tiriyey Beelbeel?

XOG IYO XAQIIQO: Waa Been In Dadka Hargeysa Loo Tiriyey Beelbeel?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaa ilaa bishii hore, aad iigu soo noqnoqday su’aalo ku saabsan war ku-tiri kuteen ah oo aan la yaabay sida loo fidiyay. Warkaasi wuxuu ahaa in Hay’ad caalamiya oo la yidhaahdo IRI iyo Shirkada Cilmi Baadhista ee Data and Research Solutions (DARS) oo wada sameeyay Sahan Ra’yiga Dadweynaha ay soo saareen saamiga beelaha ee magaalada Hargeysa.

Sida ku cad warqada halkan ku lifaaqan ee ay soo saartay hay’ada International Republican Institute (IRI), waxaan cadaynayaa saamigii beelaha dadkii lagu waraystay Sahankii Ra’yiga Dadka ee Hargeysa (Hargeysa Poling Survey) inaanu shaqo ku lahayn saamiga tirooyinka dadka ee beelaha Hargeysa; balse uu ka turjumayay oo keliya saamiga beelaha ee dadkii la waraystay; iyadoo sababta su’aasha beeshaada sheega sahanka loogu daranay ay ahayd, si aan aaminsanahay, in la eego bal in dadka kala beelaha ah, ay ku kala fikir duwan yihiin su’aalaha ku saabsan waxqabadka dawlada, nabadgelyada guud, xisbiga ay taageerayaan, iwm.

Arrintan oo qiyaastii ay iga waraysteen dad ka badan boqol (100) qof intii u dhaxaysay 16.11.2011, oo warbixintii sahankaa la daabacay ilaa iyo shalay oo taariikhdu ahayd 19.12.2011; waxay igu dhalisay inaan go’aansado inaan todobaadkiiba maalin soo saaro maqaal aan jeclaystay inaan u bixiyo XOG IYO XAQIIQO, si aan dadweynaha intii danaynaysa ugu iftiimyo climiga Xog-koobida (Statistics) oo ah takhasuskii aan ku sameeyay midka mid ah, labadayda Masters Degrees, oo aan tan kalena ku qaatay Public Policy and Management.

Hadaba, Xog iyo Xaqiiqo (Facts and figures) waa maqaal ku saabsan cabirka xisaabeed ee waayaha inagu xeeran ee dhinacyada kala duwan. Waxaanan ku bilaabaya inaynu eray bixin Af Soomaali ah u helo erayada cilmiga Statistics. Inkastoo aan isu keenay dhawr eray oo Statistics la mcna ah, waxaan ka xushay eray uu bixiyay mid ka mid ah ardayd aan Jaamacada Hargeysa macalin ugu ahaa, 2008, oo markii aan u sharaxay macnaha erayga Statistics, si kedis ah u yidhi- macalin maynu XOG-KOOBID nidhaahno; aniguna aad baan ula dhacay erayga xog-koobid inuu yahay eray-bixin ku haboon Statistics.

Sidaa awgeed, maqaalkan XOG IYO XAQIIQO erayga Xogkoobid ayaynu u adeegsanaynaa Statistics, akhristayaashana waxaan ka codsanayaa inay ila qaataan eraygaas XOGBOOBID.

Waa maxay Xogkoobidu? Xogkoobidu waa laan ka mid ah cilmiga xisaabta oo ku saabsan ururinta, tub-gelinta, lafo-gurka, faafinta, kaydinta, iyo adeegsiga xogta (Statistics is a branch of mathemtaics dealing with the collection, processing, analysis, dessimination, archiving, and utilization of the data). Aalaaba, xogtaasi waxay ka soo burqataa saddex ilood midkood, oo kala ah Tirokoob (Census), Sahan (Survey), iyo Xog maamuleed (Administrative data), wayse jiraan ilo-xogeedyo kale.

Hadaba, maqaalkan waxaan ku soo qaadanayaa inaan cidda danaynaysa u kala sunto sida ay u kala eeg yihiin xogta lagu ururiyo Tiro-koob iyo xogta lagu soo qaado Sahanka. Tirokoobku wuxuu xog ka soo ururiyaa dhamaan xubnaha ka tirsan uunka astaamihiisa la ururinmayo (All members of population at interest). Sidaa awgeed, xogta laga soo ururiyaa waa biyo-kama-dhibcaan, hadii loo ururiyo qaabka aqoonyahanada xogkoobistu isku raaceen.

Marka aan la hayn awood dhaqaale, farsamo, shaqaale, iyo waqti ku filan in tirokoob la sameeyo ayaa la adeegsadaa Sahanka, halkaasoo qaab QORI-TUUR AH MUUNAD (Random Sampling) loogaga doorto uunka la danaynayo. Hadii uunka Muunadaas Qorituurka lagaga dooranayaa uu leeyahay astaamo kala duwan (Sida cadaan iyo madaw, Muslim iyo Kiristaan, Soomaali iyo Oromo, Africa iyo Asia, iwm), waxay muunadaasi si run ah u meteli kartaa uunka laga doortay, hadii saamiga muunadu ee astaamaha kala duwani la mid yahay, saamiga uunka laga doortay astaamihiisa kala duwan, oo keliya. Si taas loo sugana waa in la hayaa saamiga ay astaamahaasi ku kala ahaayeen guudka guud. Tusaale ahaan, hadii dadka Somaliland ay 35% leeyihiin tacliin dugsi ama ka sarraysa; xogta sahanka lagu ururiyaa waxay looga qaateen noqonaysaa dad reer Somaliland metelaysa noqon kartaa, oo keliya, hadii dadka sahanka lagu waraystay ay ay 35% ka mid ah leeyihiin tacliin dugsi sare ama ka badan. Waxaase sahanka noocan ah shuruud u ah in sahanka ka hor la hayo saamiga dadka reer Somaliland ee heerarka waxabarasho.

Hadaba, mar hadii aanay dadka sahanka ra’yiga ee Hargeysa samaynayay, oo aan ku jiray, aanaan hore u haynin saamiga beelaha ee dadka Hargeysa, dee sahanka aanu samaynay, maba soo saari karo saamiga beelaha ee Hargeysa; anaguna maanaan odhan saamiga beelaha ee Hargeysa ayaa sidaa u kala badan, ama u kala yar, ee xogtii la soo bandhigay waxay sheegaysay oo keliya saamiga beelaha ay kala ahaayeen 600 qof, ee sahanku waraystay, balse shaqo kuma laha saamiga beelaha ee degaanka Hargeysa (BAL INA NUUXOOW MAQAL).

Xataa, waxaa jirta beelo ka mid ah, beelaha ugu waawayn deegaanka Hargeysa oo sahankani aanu qofna ka waraysan. Markaas, taas macnaheedu maaha, beeshaasi Hargeysa ma degana ee waxaa weeye, xaafadaha beeshaasi ku badan tahay ayaanu sahankani gaadhinba. Taasi waa marag 4aad oo cadaynaya inaanay xogtii sahankani soo bandhigay shaqo ku lahayan tirada iyo saamiga dadka ee beelaha Hargeysa; balse ay ahayd, oo keliya saamiga beelaha ee dadkii la waraystay (HADA QAAR KALAA, I WAYDIINE OGAADA).

Waxaa kale oo aan aad ula yaabay, dadku inay na waydiinayaan oo keliya saamiga beelaha ee sahanku waraystay, balse aanay dadkaasi mar keliya waxba naga waydiinin xogta kale ee ka soo baxday sahankan oo 600 qof ee la waraystay la waydiiyay in ka badan 200 su’aalood oo ku saabsan waxbarashada, caafimaadka, maamulka, siyaasada, dawlad wanaaga, doorashooyinka, horumarka, arrimaha bulshada, nabadgelyada, nolosha, shaqada, guurka, iwm.

Sidaa awgeed, waxaa kale oo ay fara-badnaanta su’aalaha saamiga beelaha ku saabsani igu dhiiri gelisay inaan go’aansado inaan mar labaad daabaco buuug aan 1997-kii Qaahira (Masar) ku daabacay oo la yidhaahdo: MA ABAAL GUDEE, WAAN AAR GUDAA. Buugaas oo aan isku dayay inaan dadka ugu tilmaamo xumaanta qabyaalada oo run ahaantii dhib badan ku haysa dakeena, oo sida magaca buugu tilmaamayo ay qabyaaladii oo hadlaysaa leedahay- Anugu sida loo ABAAL GUDO ma aqaano’e, waxaan ku takhasusay sida loo AAR GUDO, oo ah in qabyaaladu aad ugu xoogan tahay xumaanta, balse aanay dheg jalaq u siinin danaha runta ah ee dadka, diinta, iyo dalka.

Bal u fiirso, sida aanu qofna noo waydiin muxuu sahankani ka yidhi- biyo la’aanta Hargeysa, arrimaha xisbiyada, guurka, waxbarashada; nabadgelyada; balse ay dhamaan dadka sahankaa waxay iga waydiiyay oo dhami su’aal keliya qabeen, oo ah- WAAR MA IDINKAA YIDHI: REER HEBEL BAA, REER HEBEL HARGEYSA KAGA BADAN; ama KAGA YAR. Waxaa iigu darnaa ninkii i waydiiyay- Axmedoow ma adigaa internet-ka geliyay- REER HEBEL BAA REER HEBEL KA BADAN, ee aan waydiiyay- waa maxay internet-ku adeer, ee iigu jawaabay, dee waxaan u malaynayaa inuu yahay- wax dawladuhu ku wada hadlaan, oo la dhegaysanayo!!!.

ILaahayoow danahayaga na garansii, if iyo aakhiroba.

Axmed Maxamed Diirye (Toorno):

Ahmedmdiriye@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories