HomeXog Fashilisay Codsi Xasan Sheekh U Gudbiyey Madaxweynaha Eritrea Oo Marti-qaad U...

Xog Fashilisay Codsi Xasan Sheekh U Gudbiyey Madaxweynaha Eritrea Oo Marti-qaad U Fidiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii bishan March 2024 safar ku tagay dalka Eritrea, kaddib markii sida la sheegay, uu marti-qaad ka helay madaxweynaha dalkaas dalkaas Isaias Afwerki.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu gaadhay caasimadda Asmara, waxa uu kulan la yeeshay hoggaamiye Afwerki oo ay ka wada-hadleen xaaladda Gobolka iyo in Xukuumadda Asmara ka taageerto dagaalka maamulka Muqdisho kula jiro Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta Eritrea la hadlay, ayaa sheegay inay Eritrea waayo-arag ku tahay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan hay’adaha ammaanka, sidaa awgeed uu dhiggiisa Eritrea kala hadlay sidii ay Somalia uga taageeri lahaayeen dhismaha ciidamada iyo hay’adaha ammaanka.

“Eritrea waxay noo tabobartay ciidamadayada, ma jiro waddan kale oo ku dhiirraday waxay noo qabatay. Inaanu taas sii xoojino ayaanu ka dalbanay madaxweynaha,” sidaas waxa yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramay telefishanka Dowladda Eritrea 18-kii bishan March.

Waxa uu xusay inay Dowladda Eritrea sii wadi-doonto tababarka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo 5000 oo ciidamo ahi ay hore tababarro kala duwan ugu soo qaateen dalkaas.

Marka laga yimaaddo hadalka Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay ujeeddada safarkiisa Eritrea, waxa jira warar dheeraad ah oo ka soo baxay kulanka dhexmaray madaxweynaha Eritrea oo la sheegay inuu aqbalay codsi Hassan Sheekh u gudbiyey.

Xogta laga helay kulanka oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dublomaasiyeed, waxay sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codsaday sidii ciidamo Eritrean ah loogu daad-gurayn lahaa Soomaaliya kaddib marka ay dalkaas ka baxaan ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika oo la filayo inay dalkaas ka baxaan badhtamaha bisha December ee Sannadkan 2024-kii.

Safarka Xasan Sheekh ee Asmara oo noqonaya markii 5aad ee uu tago dalkaas kaddib markii uu xilka madaxweynaha la wareegay bishii May 2022-kii, ayaa ku soo beegmay xilli ay Gobolka Geeska Afrika ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarro kala duwan hore ugu tagay dalka Eritrea, isagoo tiraba laba jeer u socdaalay Sannadkii 2022-kii oo kala ahaa July 10, 2022 iyo November 10, 2022. Sidoo kale, wuxuu laba safar ugu baxay March 13, 2023-kii iyo October 08, 2023-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories