HomeXog Badan oo ku Saabsan Hogaamiyihii Hore ee Daalibaan oo La Helay

Xog Badan oo ku Saabsan Hogaamiyihii Hore ee Daalibaan oo La Helay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kabul (SLpost)- Wariyaha Talefishanka Al-Carabiya u jooga magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan Maxamuud Al-Wuruwaari ayaa warbixin baadhitaan oo uu dhowaan sameeyey waxa uu ku soo helay xogo dheeraad ah oo la xidhiidha hoggaamiyihii hore ee Daalibaan Mullah Maxamed Cumar oo aan xog badan laga helin guud ahaanba noloshiisa iyo hawlihiisii Daalibaan muuqaalkiisana uu muran badani ka taagnaa.

Wariyuhu waxa uu  la kulmay Mullah Mawluuwi Axmed Mutawakal oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladdii Daalibaan hoggaaminaysay ee dalka Afghanistan, isla markaana waxa uu ahaan jiray agaasimaha gaarka ah ee xafiiska Mullah Cumar, iyo saaxiibkiisa ugu dhow dadka.

Mullah Axmed Mutawakal waxa uu wariyaha Carabiya siiyey xog illaa hadda sir ahayd oo sirdoonnada dunida oo dhami ay ku fashilmeen in ay ka ogaadaan hoggaamiyihii geeriyooday ee Daaliibaan, sida noloshiisii shakhsiga ah, xidhiidhkii Mullah Cumar iyo Usaama Bin Laadin, iyo sababta ay Daalibaan muddo laba sano ah u qarinaysay dhimashada Mullah Cumar. Warkan oo aynnu ka soo qaadanayno laba qodob oo ah qarintii dhimashada hoggaamiyaha Daalibaan iyo sawirka runta ah ee Mullah Cumar.

Mullah Mutawakal waxa uu wariyaha u caddeeyey in Mullah Cumar uu geeriyooday Laba sano ka hor markii warbaahinta dunidu si rasmi ah u ogaatay, sababtuna ay ahayd Daalibaan oo ka cabsi qabtay in geerida hoggaamiyuhu ay jaahwareer ku riddo ururka isla markaana dhaliso loollan gudaha ah, sidaa awgeed uu ururku doonay in inta aan la’ ogaan geerida uu marka hore ka tabaabushayto wax kasta oo dhici kara, isla markaana si deggen u diyaarsaday hoggaamiyihii beddeli lahaa Mullah Cumar.

Arrinta kale ee lama filaanka ku noqotay xitaa wariyaha barnaamijka diyaariyey ayaa ahayd markii uu Mullah Axmed Mutawakal ogolaaday in uu siiyo sawirkii Mullah Cumar oo ah shakhsiyad dhif dunida nooceedu ku ahaa illaa hadda aan xogo badan iyo faham laga haysan, sawirrada laga hayeyna ahaayeen kuwo kooban oo aanay cidi xaqiijin karin runnimadooda, isla markaana aan muuqaal ahaan si fiican loo arki karin.

Maadaama oo hoggaamiyaha Daalibaan uu ku guulaystay in uu iska ilaaliyo sawirka, Labaatankii sano ee u dambeeyey waxa ay warbaahinta dunidu iskula dhex wareegaysay sawirro lagu sheegayo Mullah Cumar, waxaana ugu caansanaa sawirka nin Gadh cufan oo weyn leh labada indhoodna mid ahaan goof tahay. Sawirkaas oo cid kastaa u haysatay Mullah Cumar, laakiin hadda ay caddaatay in uu ahaa been abuur ay Daalibaan qudheedu si ula kac ah u faafisay si loo sugo amniga hoggaamiyahooda, wejigiisa runta ahna aanay sirdoonnada reer galbeedka oo ka Maraykanku ugu horreeyaa u garan.

Mullah Axmed Mutawakal oo muddo Maraykanka ugu xidhnaa xabsiga Guantanamo balse markii dambe la iska sii daayey, waxa uu hadda ku nool yahay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, inkasta oo xidhiidh fiican uu la lahaa dowladda Afghanistan, gaar ahaan madaxweynihii dhowaan xilka ka degey dalkaas ee Xaamid Karasaay, haddana waxaa uu Daalibaan masuuliyiinteeda la’ leeyahay xidhiidh adag oo fiican, marar badanna waxa uu ka shaqeeyey wada hadallo Maraykanka iyo Afghanistan la yeeshaan Daalibaan.

Wariyaha oo ka waraysanayey arrimaha Mullah Cumar ayaa ku yidhi wasiirka hore,  “Waxa aan ogahay in sawirrada la isla dhex wareegayo ee Mullah Cumar ay been yihiin, Fadlan, suurtogal ma’ tahay in aad i siiso sawirkiisa?”

Bilowgii Mullah Axmed Mutawakal waa uu ka warwareegay arrintaas, laakiin saaxiib ay aad isugu dhow yihiin oo ila socday, iyo aniga oo codsigii ku celceliyey awgeed waxa uu sawirkii Mullah Cumar ka soo diray talefankiisa gacanta waxa aanu ku diray sawirka saaxiibkii oo aad ay isugu dhow yihiin aniga saaxiibkay ah oo ila socday, kadibna saaxiibkay ayaa ii soo diray.

Waraysiga uu Geeska Afrika turjumay ee wariyuhu la yeeshay Wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladdii Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa uu wariyuhu ku sheegay in sawirkan uu codsay uun, laakiin aanu filayn in uu heli doono, isaga oo ka hadlaya arrin kale oo yaab iyo u qaadan waa ku noqotay markii uu sawirka loo soo diray eegayna waxa uu wariyuhu yidhi, “Runtii amakaag ayaa ay ahayd. Dhammaanteen waxa aynu daawannaa sawirka Mullah Cumar oo ah nin weyn oo il la’, laakiin sawirkan la ii soo diray, waa nin indho buluuga oo dhamays ah leh, oo muuqaalkiisa aad mooddaba jilaa Hollywood ka tirsan. Sawirkii ayaa aan soo qaatay, toddobaad gudihiina waxaaba la ii keenay Fiidyoow uu si cad uga dhex muuqdo Mullah Cumar”

 

Xigasho- Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories