Home“Xisbiyada Waxaanu U Fidinaynaa Gogol Wada-hadal Oo Aanu Kaga Xaajoono Khilaafka Muddo-kordhintu...

“Xisbiyada Waxaanu U Fidinaynaa Gogol Wada-hadal Oo Aanu Kaga Xaajoono Khilaafka Muddo-kordhintu Sababtay” Saylici

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLPost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inay wada-hadal la galayaan axsaabta mucaaradka ah, isla markaana ay ka wada xaajoon doonaan arrimaha doorashooyinka sidii xal loo gaadhi lahaa.Saylici2Cabdiraxmaan Saylici oo maanta warbaahinta kula hadlay qasriga madaxtooyada ayaa shaaciyay in xukuumadda talada haysaa ay diyaar u tahay inay wada-hadal la gasho madaxda xisbiyada Somaliland, six al waara looga gaadho arrimaha khilaafka dhaliyay ee muddo kordhintii ay guurtidu samaysay in doorashooyinkaba.

Madaxweyne ku-ku-xigeenka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Haddaynu reer Somaliland nahay waxa inoo caado ah mar walba oo khilaaf yimaado inaynu wexeena dhamaysano, waxaan halkan ka iclaaminayaa in khiaafkaas siyaasiga ah ee ka abuurmay doorashooyinka iyo muddo kordhinta anigoo ku hadlaya afka xukuumadda iyo xisbigaba inaanu fidinayno gogol wada-hadal, marka aynu ka gudubno u diyaar-garawga iyo dabaal-dega sannad guurada 24-aad ee 18-ka May, waxaanu halkan ka cadeynaynaa ummadda reer Somaliland-na u sheegaynaa, gaar ahaan axsaabta qaranka inaanu fidinayno gogol wada-hadal ah oo aanu ka wada hadli doono khilaafka siyaasiga ah ee dhashay, iyadoo runtii golaha guurtidu uu yahay hay’adda dastuuriga ah ee dalka ugu sareysa go’aanka ay gaadhaanna waa go’aan awooddooda ay ku gaadhaan oo aanay cidna la wadaagayn, laakiin haddana mar iyada oo isku ujeedo loo wada socdo ay komishanku doorashooyinkuna waqti soo jeediyeen, xisbiyada qarankuna waqtis soo jeediyeen, guurtida oo go’aanka ugu dambeeya lahaana ay waqti soo jeediyeen, waqtigaas oo aan ka fogayn waqtigii ay soo jeediyeen axsaabta qaranku.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa cayimay waqtiga ay u qoondeeyeen inay axsaabta qaranka kala xaajoodaan khilaafaadka iyo is-maandhaafka siyaasaddeed ee uu sababay waqtiga ay guurtidu cayintay, waxaanu yidhi.  “Sidaa darteed khilaafka ka dhashay waxaanu diyaar u nahay in 20-ka bishan May, marka labada maalmood ee dabaal-degu ay inaga dhamaadaan inaanu u furi doono wada-hadal xisbiyada qaranka.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories