HomeXisbiyada UCID iyo WADDANI oo cambaareeyey Xadhigga Ganacsato reer Somaliland oo Muqdisho...

Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo cambaareeyey Xadhigga Ganacsato reer Somaliland oo Muqdisho ku Xidhan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

“Haddii sababta loo haystaa tahay inuu Somaliland yahay oo bahashii ilaa ganacsiga Gashay, markaa taasi waxay dhibaato ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa si adag uga hadlay isla markaana cambaareeyey xadhigga muwaadiniin u dhashay Somaliland oo dowladda Soomaaliya ugu afduuban magaalada Muqdisho oo uu ku xidhan yahay.

blankMasuuliyiin ka tirsan Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiyaan labada muwaadin oo ah ganacasato ka shaqaysanayey magaalada Muqdisho oo dowladda Farmaajo Xabsiga u taxaabtay todobaadkii hore.

Xoghaha warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay mar kasta bartilmaameedsato dhalinyarada Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, taasina ay tahay dagaal iyo nacayb dowladda Farmaajo u hayso shacabka Somaliland.

“Waxa Soomaaliya in muddo ahba ku soo noq-noqonayey muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Muqdisho oo inta badan kala kulma tacaddiyo, hanjabaad iyo xadhig. Dhowaan ayay ahayd nin Aqoonyahan reer Somaliland uu muddo afar bilood ah sifo sharci-darro ah ugu xidhnaa xarunta CID-da ee Muqdiso iyadoo shaqsi iska haystay, markii dambena layska soo daayey,” sidaas ayuu yidhi Yuusuf Keyse.

Waxa uu Xoghayuhu sharci-darro ku tilmaamay xadhigga labada ganacsade iyo shirkaddooda oo markii horeba liisanka Oggolaanshaha ganacsi ka haysatay dowladda Soomaaliya.

“Waxa maantana sidii oo kale nin ganacsade ah oo reer Somaliland ah iyo ku-xigeenkiisii sifo qafaalasho ah loogu haystaa magaalada Muqdisho. Ninkaas ganacsadaha ah waxa la yidhaahdaa Maxamed Cawaale iyo Khadar Xadhigle oo sifo xaaraan ah ugu xidhan Muqdisho, shirkadooda waxa la siiyey liisan ganaccsi, markaa waxaan ku baaqaynaa dowladda Farmaajo in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda loogu soo celiyo labadaas dhalinyarada ah iyo shirkaddoodaba, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed ma jiro xuduud xidha, meeshay doonaan bay ka ganacsan karaan.

Haddii sababta loo haystaa tahay inuu Somaliland yahay oo bahashii ilaa ganacsiga Gashay, markaa taasi waxay dhibaato ku tahay muwaadiniinta Soomaaliyeed,” sidaas ayuu yidhi Yuusuf Keyse.

https://www.youtube.com/watch?v=X1YIgK0D19ct=207s

Labada Muwaadin ee lagu xidhay Muqdisho oo ah Mulkiilaha iyo ku-xigeenka shirkadda Future Trades oo bixisa adeegga Isku-sarrifka lacagaha qalaad ee xagga Internetka ah. Waxaana shirkadda la xidhay kaddib markii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya albaabada laabay accoun-nadii uga furnaa dadka isticmaala adeegga Isku-sarrifka lacagaha ee Forex.

Sidoo kale, waxa xadhigga mulkiilaha shirkadda Futures Trades iyo ku-xigeenkiisa ka hadlay madax-dhaqameedka, wax-garadka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada gobolka Sanaag oo habeen hore kulan isugu yimi magaalada Hargeysa, waxaanay dowladda Farmaajo ugu baaqeen inay shuruud la’aan xorriyadooda ugu soo celiyo labada muwaadin ee u dhashay Somaliland iyo Shirkadoodaba.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories