HomeXisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin

Xisbiyada Qaranku Waxay Leeyihiin Qaanuuniyad Sharci ee yaan sifo khaldan loogu xad-gudbin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo saxaafadda la hadlay maalintii Sabtida ayaa ku dooday in ninka jabhadka ah ee la yidhaahdo Caare uu yahay farac ka mid ah xisbiyada WADDANI oo ka mid ah saddexda xisbi qaran ee dalku leeyahay. Wax sahlan maaha in xisbi qaran oo dastuuri ah, kuna dhisan sharci baarlaman ansixiyey si fudud loogu eedeeyo inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan oo qori iyo dagaal kala hortimid qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

blank

Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Ururrada & Axsaabta Siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011, waxay xisbiyada qaranka ku waajibiyeen inay u hoggaansamaan dastuurka, xeerarka iyo hannaanka dimuqraaddiyadda, iyadoo aanay u bannaanayn inay ku kacaan waxkasta oo wax u dhimaya midnimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, dhammaanshaha dhul ahaaneed (Sovereignty)  iyo nabadgelyada guud ee dalka.

 

Sida ku cad qodobka 20-aad ee xeer Lr. 14/2011, xisbiyada qaranku waxa ay leeyihiin qaanuuniyad sharci (legal personality) oo xisbiga qaran magaciisa ayaa lagu dacwayn karaa ama magaciisa ayuu wax ku dacwayn karaa, waxaanna xisbiga WADDANI u bannaan in isagoo raacaya shuruucda dalka uu dacwad ku soo oogo ama uu maxkamad sharci ah la galo Wasiirka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Diiriye, maadaama oo uu xisbigooda ku eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay jabhad hubaysan halis ku ah amniga iyo qarannimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo uu Wasiirkuna xaq u leeyahay inuu dacwaddaas si sharci ah iskaga difaaco oo uu keeno wixii uu caddaymo u hayo eedaynta uu u jeediyey xisbiga WADDANI.

 

Hasayeeshee, masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waxay saxaafadda mariyeen hadallo ay ugu jawaabeen Wasiirka Warfaafinta, iyagoo ay muuqato inay si buun-buunin ah arrintaas uga hadleen, isla markaana ay u jawaabeen si aan ku habboonayn curfiga iyo nidaamka xisbinimo, kuwaasoo xusay waxyaabo aannu Wasiirka Warfaafintu sheegin, soona hadal-qaadin, sida; ‘xisbiga WADDANI waa Soomaali-weyn…’ “Wasiirku waxa uu aaminsan yahay in ciidanka qaranka inta ay isku haybta yihiin Guddoomiyaha WADDANI ay u shaqeeyaan Cabdiraxmaan Cirro…’ weedhahaasi kumay jirin hadalka Wasiirka, masuuliyiinta xisbiga WADDANI, gaar ahaan Xoghayaha Guud-na may qurux badnayn inuu sheego, kana dhigo hadal ka soo baxay Wasiirka.

 

Dhinaca kale, Masuuliyiinta xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiinta kale ee Wasiirka u jawaabay dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan degaanka uu ka soo jeedo Guddoomiyaha WADDANI, tusaale ahaan Xoghayaha Guud ee WADDANI, siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa iyo Cabdillaahi Geel-jire, taasina waxay bixinaysaa sawirka kale, maadaama ay Wasiirkana isku degaan yihiin Madaxweynaha, waxaanna habboonayn in si xisbinimo ah Wasiirka loogu jawaabo, iyadoo aynu ognahay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi qaran oo ay hoggaankiisa iyo guddidiisa fulintaba ku jiraan siyaasiyiin reer Somaliland oo dhan ah, balse ma qurux badna in kolba shidhka hore soo fadhiistaan inta ay Guddoomiyaha isku haybta yihiin, taasina waxay sawir xun ka bixinaysaa xisbiga qaran.

 

Xisbiyada qaranku (KULMIYE, WADDANI iyo UCID) ha aaminaan xisbinimadooda iyo awoodaha sharci ee ay leeyihiin, hana ka hoos baxaan shaadhka ama hadhka qabiilka iyo degaamaysiga ah. Cidda xad-gudub kula kacda sifo sharci ah ha iskaga difaacaan, iyagoo adeegsanaya qaanuuniyadda sharci (legal personality) ee ay leeyihiin, waanna in xisbiyadu bulshada jiheeyaan, balse ma fiicna in xisbiyadu daba-socod u noqdaan dadka caamada ah ee hannaanka qabiilnimo ku xoogsada.

 

By; Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),

Hargeysa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories