HomeXISBIYADA QARANKU MALAHA AJANDE SIYAASADEED OO LAGU DOORTO

XISBIYADA QARANKU MALAHA AJANDE SIYAASADEED OO LAGU DOORTO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tan iyo hanaqaadkii hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka hana qaaday waxaa dalka laga diiwaan geliyay ururo iyo axsaab tiro badan, iyada oo markasta sida dastuurka qaranku dhigayo wadanku uu yeelanayay saddex xisbi qaran, 

dalka somaliland waxaa ka qabsoomay doorashooyin dhawra waxaana ku tartamay doorashooyinkaa xisbiyo iyo ururo sidaan kor ku soo sheegay,dhamaanba ururada iyo xisbiyadaa tartamayay may lahayn hab iyo qaab loo xusho marka loo eegayo mustawaha caalamiga ah ee dunida muslimka iyo tan reer galbeedka lagu kala doorto xisbiyada 

 inkasta oo dalka somaliland ay muddo ka yar labaatan sano laga joogo markii habka xisbiyada badan ka hirgalay hadana waxaad moodaa in aan dadkan iyo dalkaniba aanay u bislayn sida looga midho dhaliyo loona dhiso xisbiyada,weli taariikhda laguma arag xisbi ama urur ku dhisan qabiil iyo reer nimo ama ku dhisan xulafo reereed. tani waa caqabada keliya ee hortaagan in xisbiyada dalku ay yeeshaan meeqaamka laga rabo

 maanta oo dalka ay ka jiraan saddex xisbi qaran oo ku xardhan dhamaanba diiwaanada taariikhda ee dalka lagana aqoonsan yahay in ay yihiin saddexda xisbi ee ka hadli arka arimaha siyaasadeed bulsho ee qaranka walow cidwalba uu shurrucda qaranku u ogow yihiin in ay xil iska saaraan wadanka kana hadli karaan aragtidooda siyaasadeed iyo hankooda qofeedba 

hadana waxaa cad in aanay xisbiyada maanta jiraa aanay ku dhisnayn wixii laga doonayay oo ahaa in xisbiyada qaranka loo sinaado oo ay u furnaadaan cidwalba,tusaale ahaan waxaad moodaa in xisbiyada maanta jiraan ay ku dhisan yihiin hanaan qabaliya oo meesha ay ka madhan tahay in ay yihiin muraayadii qaranka 

dadka shacabka ah malaha wax ay kula xisaabtamaan xisbiyada maanta jira. xisbiyaduna waxaa kaliya ee ay kursiga ku gaadhaan waa reernimada iyo qabyaalada ma jiro xildhibaan maanta jooga ama tegay oo ku yimi kursiga hab ka madhan reernimo, mana jiro mid kaliya oo ku hadalaya meesha laga soo doortay,wakhtiga ololaha xisbiyadu waxaa ay awooda saaraan ku ololaynta reernimo iyo kicinta dadka ee ku salaysan qabiilka iyo caadifada 

 arrimaha bulshada ee dalku waa kuwo dayacan oo ka madhan daryeel iyo ilaalin tusaale ahaan habka waxbarashada dalku waa mid liita, habka daryeelka caafimaadku waa mid aad iyo aad loogabay, cadaalada iyo garsoorku waa mid aan cago adag ku taagnayn waxaana la rabay in kuuwaa la dhiso

 somaliland reernimada iyo qabyaalada ayaa ka dhigtay in musuqmaasaqu xadhkaha goosto, waxaa dhacda in masuulka xil loo dhiibaaba reerkiisa ka fuudh yeelo

 

siciid xaashi caliwayd

hargaysa. somaliladn

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories