Home"Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah inaanay ka doodin furista Ururrada, waayo...

“Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah inaanay ka doodin furista Ururrada, waayo waa sharci” – Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay muranka ka taagan Xeer 14 iyo go’aanka ay axsaabta mucaaridku kaga soo horjeesteen furista ururrada, waxaanu ku baaqay in la ixtiraamo xeerarka iyo Dastuurka dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlay madal uu ku daah-furay koobka horyaalka horyaallada, ayaa tilmaamay inaan cidina buuq iyo dood ka keeni Karin in ururradii furmayaan iyo in kale, balse u taas jideeyey oo la raacayo xeer No. 14 oo dhaqangal ah, derejooyinkii sharci ee looga baahnaana si sharci ah kaga gudbay.

“Dalkeennu xeer ayuu ku dhaqmaa, Dastuurka iyo xeerarkii ay goleyaashu ansixiyeen baa ina hoggaamiya, furista Axsaabtana qofna kama hadli karo oo waxaynu raacaynaa oo guddoon ah xeerka 14 oo sharci ah oo  labada gole ay ansixiyeen, madaxweynuhuna saxeexay, oo dhaqangal ah, waxase lagu muransan yahay soo jeedinta wax-ka-beddel iyo kaabis oo aan golayaashu ansixin, xeerkuse waa xeer jiray oo dhaqangal ah, xeerkaasina tallaabooyin buu ina farayaa, wuxuuna ina faryaa in tallaabo walba loo diyaar garoobo inta bisha December ka horraysa, kuwaas oo kala ah madaxtooyada iyo furista Axsaabta, waxa kale oo ina sugaysa oo sharcigeedii inaynu dhammayno ay tahay golaha guurtida oo in badan joogay, waana muddo gaaban oo ay doorashooyin badani inagu soo beegan yihiin.”

blankMadaxweynuhu waxa uu ka hadlay xeerka furista ururrada iyo axsaabta ee xeer No.14 iyo waxyaabaha uu ina farayo, waxana uu si cad u sheegay in marka la gaadho bisha May ee sannadka soo socda ay si rasmi oo sharci ah u bilaabmi doonto diiwaangelinta ururrada siyaasadda ahi.

“Xeerku wuxuu ina farayaa xisbiyada qaranka ee saddexda ah in tobankii sannoba mar la doorto oo ay ka dhacayso ruqsadda ay ku galaan ruqsadda siyaasadda tobankii sanoba maanta saddexda xisbi ee joogaa liisanka ay ku haystaan siyaasadda ay dadka dheer yihiin waxay kaga dhammaanaysaa 26-ka December, 2022-ka, sida uu qeexayo xeer No. 14, wuxuu kale oo isla xeerkaasi ina farayaa in marka ay ka hadho lix bilood dhammaadka liisanka xisbiyada  la furo ururradii, waxayna taasi ku beegan tahay bisha May ee 2022-ka, sidaa darteed xukuumad ahaan annagoo fulinayna jidkaa xeerku jeexay  bisha May haddii  Allah yidhaahdo Ururradii waa furmayaane nin walowba ku biyo cab, xeer baana furaya qofna ma hor joogsan karo,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin cad u diray hoggaanka xisbiyada mucaaridka ee qaylada ka keenay dhaqangalka xeerka furista ururrada, isaga oo ugu usoo jeediyey inay yareeyaan doodaha sharciga baalmarsan ee ay ku diidayaan furista ururrada, waxana uu caddeeyey in iyada oo la la raacayo xeer No.14 loo diyaar garoobo in doorashooyinka Guurtida, madaxtooyada iyo furista ururrada mid walba waqtigeeda loogu qaban lahaa, waxana uu yidhi,”Xisbiyada qaranka waxa ku waajib ah inaanay ka doodin furista, waayo waa sharci, maanta guddoomiyaha WADDANI wuxuu yidhi xisbiyada in la furo waan la oggol nahay, haddaa maxaa lagu murmayaa sidaa sharcigu yahay baynu yeelaynaaye, waxa kale oo Iyana sharci ah in waqtigii loogu talo galay doorashada madaxtooyada iyo u diyaargarowgeedii iyaduna waa waajib oo waqtigeedaynu maraynaa oo u diyaar garoobaynaa, mar haddii aynu sharcigaa iyo waddadaas hayno garan maayo waxa muranka iyo buuqa keenaya ee labada xisbi ee mucaaridka ahi ay ka boodan yihiin, saddexdii doorasho mid walba waqtigeedii siduu sharcigu jideeyey mid walba waqtigeedii aynu u diyaar garowno garan mayo sabab looga dido.”

Madaxweynuhu waxa uu usoo jeediyey in hadallada beer laxowsiga ah ee kasoo yeedhay hoggaanka axsaabta mucaaridka ee ay ku sheegayaan inay u diyaar u yihiin furista ururrada inay ka muuqato  ficillada guddoomiyaha wakiillada iyo xubnaha kale ee taabacsan ee ka hadhay aqlabiyaddii golaha ee aragtidooda ku muujiyey dacwaddii ay maxkamadda u gudbiyeen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories