HomeXisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Shuruudo Hor Leh Ku Xidhay Wada-hadallada Soomaaliya

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Shuruudo Hor Leh Ku Xidhay Wada-hadallada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dublomaasiyiin u dhashay dalalka Turkey iyo Norway oo shalay soo gaadhay Hargeysa, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI.

Dublomaasiyiinta oo kala ah Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland oo ay ka wada-hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Haseyeeshee, sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyada ka soo baxay xalay, madaxweyne Muuse Biixi waxa uu labada ergay u sheegay in dib u bilaabista wada-hadallada labada dhinac ay hirgeli karaan oo kaliya haddii la fuliyo qodobbadii ka soo baxay wada-hadaladii hore oo aan ila hadda ka hirgelin dhinaca Soomaaliya.

Haddaba, kulanka Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka iyo dublomaasiyiintan oo lagaga hadlay mowqifka axsaabta mucaaradka ee ku wejahan wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaa ay axsaabta mucaaradku u sheegeen in aanay habayaraatee wakhtigan haboonayn in wada-hadalada dib loo furo.

War kooban oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha UCID iyo WADDANI oo safiirrada u sheegay in aan wax wadahadal ah lala furi karin Soomaaliya ilaa laga xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka.

“Ergada iyo madaxda mucaaradka ayaa kawada hadlay, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Somalia, waxaanay madaxda mucaaradku ay ergada u sheegeen in aanay immika haboonayn in dib loo bilaabo, ilaa laga gudbayo khilaaf-yada gudaha ee ku saabsan doorashooyinka,” sidaa waxa lagu sheegay war kooban oo axsaabta mucaaradku ka soo saareen kulanka.

Madaxweynaha Somaliland oo xalay la kulmay safiirrada Turkey iyo Norway, ayaa labada dublomaasi in aan wada-hadalada lala furi karin Soomaaliya ilaa la fuliyo toddoba Qodob oo uu kow ka yahay in ugu horeyn Soomaaliya ay fuliso dhammaan heshiisyadii hore loo galay.

Dublomaasiyiinta Turkey iyo Norway, ayaa Salaasadii dorraad magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhankiisa caddeeyey inay ka go’antahay sii anba-qaadista wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo bilaabmay sannadkii 2012-kii wakhtigii xilligii xukuumadihii Axmed Siilaanyo iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku qabsoomay dalalka Turkiga, Ingiriiska, Imaaraadka iyo Jabuuti wakhtiyo kala duwan, mana jirin natiijo la taaban karo oo ka soo baxay marka laga yimaaddo kulamo labada dhinac ku dhexmaray dhowr waddan.

Haseyeeshee, wada-hadallada labada waddan ayaa gebi ahaan joogsaday muddadii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya uu hayey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo gebi ahaanba majarahabaabiyey ujeeddada Somaliland u gashay wada-hadallada oo ku tilmaamay mid dib loogu soo celinayo Midnimadii dhexmartay labada waddan sannadkii 1960-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories