HomeXisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Go'aan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Go’aan ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen go’aan mideysan kaga gaadhay Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka loo qoondeeyey inay qabsoomaan dhammaadka Sannadka.

War-murtiyeed ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu sheegay inay labada xisbi maanta isugu yimaaddeen kulan ay kaga arrinsadeen arrimaha doorashooyinka, kaas oo ujeeddadiisu tahay hirgelinta heshiis dhexmaray saddexda xisbi qaran ee dalka 27-kii bishii July ee sannadkan isla markaana lagu go’aamiyey soo af-jarista khilaafka hadheeyey doorashooyinka oo gundhig u ahaa Toddobada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka, iyagoo Xisbiyada mucaaradku shuruud ka dhigeen in la beddelo xubnaha guddiga ama in lagu daro laba xubnood oo cusub, tiradoodana laga dhigo 9 xubnood.

Haseyeeshee, waxa heshiiskaas Xisbiyada ku gacan-saydhay isla markaana laalay Golaha wakiillada Somaliland oo ay dabada ka riixaysay xukuumadda Xisbiga Kulmiye oo aan u bogin labada qodob ee mucaaradku shuruudda uga dhigay qabsoomidda doorashada.

Haseyeeshee, war-murtiyeedka ka soo baxay labada Xisbi mucaarad oo iftiimiyey inay ka tanaasuleen dalabkoodii ahaa in laba xubnood lagu kordhiyo Komishanka, waxa ay go’aamiyeen in iyaga oo ka jawaabaya warqad uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi 29 Bishii August ku socodsiiyey xisbiyada UCID iyo WADDANI, inay labada xisbi mucaarad maanta isla qaateen inay soo magacaabaan labada xubnood ee u metelaya Guddiga Doorashooyinka.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories