HomeXisbiyada Mucaaradka oo Xukuumadda ku Dhaliilay Go'aanka ay ku joojisay Gaadiidka Vitz-ka

Xisbiyada Mucaaradka oo Xukuumadda ku Dhaliilay Go’aanka ay ku joojisay Gaadiidka Vitz-ka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa kasoo horjeestay go’aan xukuumadda Somaliland ku joojisay soo-dejinta gaadiidka Vitz-ta oo arrimo dhinaca ammmaanka ah iyo shilalkooda oo batay awgeed loo joojiyey in dalka la keeno.

Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa kulan ay todobaadkii hore yeesheen ku go’aamiyey in la joojiyo soo-dejinta gaadiidka Vitz-ka iyo Gaadiidka dhinaca Bixi ku leh Shookaanta.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlay sababta xukuumaddu u soo saartay go’aanka ee loo bartilmaameedsaday gaadiidka Vitz oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee qaybta laxaadka leh ka qaata adeegyada bulshada, waxa uu sheegay inaanu go’aankani dhaqan-geli doonin xilligan oo ay wakhti siinayaan isla markaana aanu saamayn ku yeelan doonin gaadiidka xilligan ku sugan gudaha dalka iyo kuwa soo saaran maraakiibta. Muddadaas wixii ka dambeeyana si rasmi ah loo hirgelin doono go’aanka.

Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani, Maxamed Sidiiq Cabdilaahi oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in gaadiidka Vitz-ku waxtar badan u leeyahay bulshada isla markaana ay dhalinyaro tiro badani shaqo-abuur ka heleen oo ay kaga badbaadeen inay dalka ka tahriibaan sidaas awgeed go’aankaasi yahay mid aan loo baahnayn.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Masuulka Xisbiga Waddani ee Arrintan ka hadlay

Isagoo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul. Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahayn dhaqaale ahaan.”

“Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Siddiiq.

Dhinaca kale, waxa go’aanka ka soo horjeestay Siyaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, waxaanu sheegay inay xukuumadda ku deg-degtay go’aanka ay dalka kaga joojinayso gaadiidka Vitz-ka, isagoo ku dooday in go’aankaasi saamayn ku yeelanayo ganacsato muwaadiniin ah oo gaadiidka soo dejiya.

Muuqaalka Hoose ka daawo Siyaasi Ramaax oo ka hadlay Arrintan iyo Qodobbo kale

Siyaasi Ramaax oo warbaahinta kula hadlay isagoo ku sugan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, waxa uu ku dooday in nolosha qoysas iyo dhalinyaro tiro badan ku tiirsan tahay gaadiidka Vitz-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories